Dhageyso Afahayeen u Hadlay Kooxo Afduubtey Markab Laga Leeyahay Dalka Imaaraadka Ayaa Sheegay In Dalbanayaa Lacago Madax Furasho

Afhayeen u hadlay Koox Afduub ahaan u haaysta Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa warbaahinta u sheegay in ay dalbanayaan lacago Madax furasho ah oo ay ka rabaan Cidda sheegata Markabka ay haaystaan.

Ninkan oo qariyey magacaiisa ayaa sheegay in ay ahaayeen Kalluumeysto islamarkaana laga hor istaagey howlahooda ka dib markii badaha Soomaaliya ay soo galeen Maraakiib kala duwan oo qaarkooda biyaha ku daadinaya khashin halka kuwo kalena ay gurtaan Kalluunka.

Waxaa uu iska fogeeyay eedaha uga imaanaya bulshada iyo beesha caalamka kuwaasoo ku tilmaamaya inay yihiin Bur-cad isagoo taa badalkeeda tilmaamay inay difaacayaan baddooda.

Markabkan oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa lagu soo xirey sida warrarki sheegayaan Xeebaha Deegaanada Puntland Gaar ahaan xeebaha degmada Caluula.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE