Dhageyso Dhowr Cudur Oo Ka Dhashay Abaarta Dalka Ka Jirta Iyadoo Ay U Geeriyoodeen Ku dhawaad Toban Kun Oo Qof

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in 4 Cudur oo halis ah ay ka dhasheen Abaaraha ka jira guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya isla markaane ay jiraan dad badan oo u dhintay Cuduradaasi.

Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare isla markaane kamid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay iney Abaarta ka dhasheen Cudurada Kalooraha,Jadeecada,Qaar-jeex iyo Nafaqo darro.

Wuxuuna sheegay Dr.Dufle iney Cudurada ka dhashay Abaarta u dhinteen dad gaaraya (9,000) kun oo ruux,Isagoona intaa ku daray in Cuduradu ay ka dilaaceen 43 Dagmo oo dalka ka tirsan.

Iyadoo ay si gaabis ah u socdaan gurmadka Abaaraha ayaa waxa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan dhibaatooyinka hada dadka ahaaysta, waxaana soo baxaya qeyla dhaan ku aadan in la kordhiyo gargaarka la gaarsiinayo deeganada ay ugu badantahay saameynta abaarta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE