Faafaahinno Dheeraad Oo Laga Helaayo Nin Ganacsade Oo Maanta Lagu Diley Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Waxa faafaahinno dheeraad ah ay kasoo baxayaan Kooxo hubaysan oo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku toogtay Nin Ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaan Suuqa Bakaaraha.

Dilkan ayaa ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana la tilmaamay iney fuliyeen rag Bistoolado ku hubaysan kuwaasoo markay dilka fuliyeen kadib goobta ka baxsaday, mana la oga sababta ka dambeeyey dilkan iyo cidda geystey.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa kusoo badanaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka Shacabka iyo dadka ku lugta leh siyaasadda, waxaana dilalkan ay noqonayaan kuwo aad uga soo badanaya tan iyo marrkii ay dhacdey doorashadii Madaxweynaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE