Jamhuuriyadda Somaliland Oo Amar Kasoo Saartey Shirarka Lagu Qabto Hoteelada Ku Yaalla Magaalada Hargeysa (Akhriso)

Xukuumadda Hamhuuriyadda Soomaaliland ayaa soo saartay Amar Hotelada ku yaalla deegaanada Soomaaliland looga Mamnuucayo in lagu qabto Shirar looga soo horjeedo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo howlaha Mashaariicda ee ka socda gudaha.

Amarkan ayaa waxaa soo saaray Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye,Waxaana lagu amray dhammaan Hotelada Somaliland kuyaalla inaan lagu qaban karin kulamo looga soo horjeedo Xukuumadda Soomaaliland.

Xildhibaano ka tirsan XIsbiga Wadani iyo Gudoomiyaha Xuquuqul Iinsaanka Soomaaliland ayaa cambaareeyey go’aankan waxayna sheegeen iney Maxkamad la tiigsanayaan Wasiirka amarkan soo saaray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE