Markab Lagu Muransanyahay Cidda Afduubatey Oo Kusoo Fool Leh Biyaha Soomaaliya

Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah, iyadoo ay la aaday xeebaha Puntland.

Warka qaar ayaa sheegaya  in markabkan uu ahaa mid ganacsi ah oo watay calanka dalka Imaaraadka, Halka Sidoo kalana Wararku ay sheegayaan inuu  badda ku maaxeyey calanka Sri Lanka.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa Aris 13 waxaana saarnaa 8 shaqaalo ah, shirkada Markabkan maamusha ayaa lagu magacaabaa Aurora Ship Management oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Warar dheeraad ah lagama hayo kooxda afduubka geysatay, balse waxaa la xaqiijiyey in markabkan xiligii la wareeray uu fariin u diray shirkadii lahayd. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in kooxda afduubatay Markabkan ay gaarayaan 8 nin oo aad u hubeysan.

Afduubkan ayaa kusoo aaday xili mudooynkii danbe ay biyaha Soomaaliya kusoo bateen maraakiibta jariifka oo qaarkood fasax ka heysta maamulada dalka ka jira, walow Markabkan hada la afduubtay uusan ahayn kuwa jariifka ama kaluumeysiga mana cada inuu marayey biyaha Soomaaliya ama biyaha caalamiga ah ee badweynta Hindiya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE