Wararkii Ugu Dambeeyey Magacaabidda Golaha Wasiirada Iyo Saadaasha Laga Bixinayo Xubnaha Liiska Kusooo Bixi Doona

Wararkii ugu dambeeyey oo laga helayo Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya 48 saac ee nagu soo aadna lagu dhawaaqi doono Liiska xubnaha golaha Xukuumada Faderaalka, oo ay si weyn u sugayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaba-gabeeyey kulamo ku saabsan magacaabida xubnaha golaha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya.

Warar kala gedisan iyo Saadaalin ayaa la bixinayaa oo ku saabsan shaqsiyaadka soo baxaya, laakiin ilaa hadda mahan kuwa si sax ah loo og yahay ragga iyo hablaha la magacaabi doono.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa balan qaaday in ay noqon doonaan shaqsiyaadka la magacaabi doono kuwa hogaamin kara xukuumad wax badan qaban karta.

Mr, Kheyre wuxuu sheegay in golihiisa uu ku magacaabi doono arrimaha ku saleysan waxqabad, daacad, Aqoon & Karti ay ku qaban karaa howlaha laga doonayo Xukuumadiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE