Wiilka Uu Dhalay Gudoomihii Hore Afgooye Oo Kasoo Baxsadey Kooxihii Xalay Afduubtey

Cabdulaahi Cabdi Axmed (Iidey) oo ahaa Wiilka uu dhalay Gudoomiyihii hore ee degmada oo xalay kooxo hubeysan ay ka afduubteen Gudrigiisa oo ku yaalla degmada Afgooye ayaa wara dheeraad ah waxa ay kasoo baxayana ida ay wax u dhaceen.

Warar ay heleyso Shabakada Markacadey.com ayaa ku waramaya in Wiilka uu dhalay Gudoomiyhii hore ee Afgooye uu saake kaso obaxsadey kooxihii Afduubka kula kacay oo xalay ka watey Gurigiisa.

Kooxo aan la ogeyn waxa ay haayeen islamarkaana Afka soo duubtey ayaa xalay Gurigiisa kala baxaey iyagoo la dhaqaaqey meel ilaa hadda aan la sheegin, waxaana cabsi xoogan ay ka jirtey inta badan xaafadaha Degmada oo si weyn loogu hadal haayey dhacdadan.

Degmada Afgooye ayaa waxa ku sugan Maleeshiyo loosoo geliyey dharka Ciidamada qaranka kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ku haaya shacabka degmada, waxaana jira tuhumo la xiriira in afduubkii xlay dhacay ay ku lug lahaayeen Maleeshiyadaasi, kuwaas oo markii uu warku is gaaray dib usoo sii dayey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE