(Xog Xasaasi Ah) Qaar Ka Mid Ah Xubnaha Ugu Cad Cad Liiska Golaha Wasiirada Iyo Wasaarado Cusub Oo Lasoo Kordhin Doono

Ra’iilsawasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kharye iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in ay ka gudbeen inta badan caqabadihii ka haaystey magacaabidda Golaha Wasiirada.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Wasaaradaha ugu culus loo qeybiyey ilaa lex wasaaradood kuwaas oo la kala siiyey  Shanta Maamul Goboleed ee ka jira dalka iyo Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Wasaaradahaas ayaa kala ah

1- Puntland: Wasiirka Difaaca

2- Somaliland: Wasiirka Maaliyadda

3- Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda

4- Galmudug: Arrimaha Gudaha

5- Jubbaland: Amniga

6- Hirshabeelle: Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiir

Marka laga soo gudbo sida loo qeybiyey Wasaaradaha ugu miisaanka Culus Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in Wasiirada ay noqon doonaan ilaa 25-30 Wasaaradood oo lagu qeybsan doon habka beelaha oo ka dhigan in beel kasta ay hesho shan wasiir iyo hal beel oo heli doonta lex Wasiir, walow ay dhici karto in Wasaaradaha ay lagu soo koobo 25 Wasiir oo loo qeybsan doono Min shan.

Waxa la helayaa qaar ka mid ah liiska xubnaha la filayo inay kasoo dhex muuqdaan Golaha Wasiirada oo saacadaha soo socda la shaacin doono, waxaana la sheegayaa in lasoo kordhin doono Wasaarado Cusub oo ay ka mid yihiin sida Dalxiiska, Duurjoogta, Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta, Deegaanka iyo aafooyinka.

Beesha Daarood:

  1. Siciid Daahir Bootaan (Warsangeli /Ogeyslabe)
  2. Sharmaarke Maxamed Faarax-yare (Majeerteen/Cismaan Maxamuud)
  3. Jaamac Cabdullaahi Caydiid (Dhulbahante/ Bah-hararsame) ama Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi-Xaashi(Dhulbahante/Qayaad)
  4. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi (Leelkasae)
  5. Maxamed Jamac Mursal (Ugaadeen/Cawlyahan)

Beesha Hawiye

  1. Maxamed Abuukar Islow (Abgaal, Harti )
  2. Cabdirisaaq Cumar Maxamed (Xawadle) ama Cabdullaahi Sanbalooshe
  3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Habargidir, Cayr)
  4. Maxamed Mukhtaar Ibraahim (Gaaljecel)

Dir

      1. Wasiirka Deegaanka iyo Maareynta Aafooyinka Maxamuud cabdi Xayir Maareeye ( Isaaq Habar Jeclo)

      2. Wasiirka Warfaafinta Saalax Axmed Jaamac ( Isaaq , Habar Yoonis )

      3. Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ( Godo-Biirse)

      4. Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Drs Deeqo Yaasiin( Dir , Surre)

      5. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Sheekh Nuur Maxamed Xasan ( Dir , Biimaal)

     6. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cali Xagaa (Dir Ciise)

Digil & Mirifle

1-Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Adaan Fargeeti (Mirifle Disoow)

2-Wasiirka Caafimaadka Maxamed xaaji C/nuur Madeer ( Mirifle / Hadame )

3-Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta C/fitaax Geesey ( Mirifle / Liisaan)

4-Wasiirka Biyaha iyo Korontada Cabaas Siraaj (Mirifle Hubeer)

5-Wasiirka Beeeraha C/xakiin Xaaji Faqi ( Digil / Dabare)

6-Wasiirka Dastuurka Cali Siciid Fiqi ( Digil / Tunni )

Beesha Shanaad

1-Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/rashiid Siraaji ( Kulmis Reer Aw-Xasan )

2-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Siciid Xusen Ciid ( Carab-Salax)

3-Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Khadiija Maxamed Diiriye (Yaxar)

4-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib Udhiska C/rashiid Maxamed (Banaadiri)

5-Wasiirka Waxbarasha Maryan Qaasim (Kulmis)

6-Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maryan Aweys ( Jareerweyne)

Dad badan ayaa ka war dhowraya ku dhawaaqista Xukuumaddan, iyadoo durbaba ay soo baxayaan shaqsiyaad loo cimaamadey Wasaaradaha qaar, Golahan Wasiirada ayaa wax badan ka duwanaan doona Wasiradii horey usoo maray dalka.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE