Ciidamada AMISOM Oo Warxbixin Xasaasi Ah Kasoo Saarey Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose

Taliska Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM ee xarunta ku leh deegaanka Ceeljaale ee duleedka magaalada Marka ayaa warbixin xasaasi ah wuxuu kasoo saarey xaaladda magaalada Marka iyo Cidda Maamusha.

Warbixin lagu daabacey Wageys kasoo  baxa Caasimada dalka Uganda ee Kambala ayaa waxa lagu faafaahiyey xaaladda dhabta ah ee ka jirta Magaala Madaxda Gobolka Shabeelad hoose.

Wargeyska oo warbixintan kasoo xiganaya Taliska Guutada fadhigeedu yahay Ceeljaale ayaa lagu cadeeyey cidda Maamusha Marka oo qaar ka mid ah warbaahinta ay isku qaldaan, waxaana sidoo kale Taliyaha laga wareystey dagaalo dhawaan ka dhacey gudaha Marka.

Taliyaha ayaa marka hore waxa uu Wariyaha qora Wargeyska Kambaala kasoo baxa u faafaahiyey howlgalka ay u joogaan Soomaaliya gaar ahaan aagga ay ka dagaalanto Guutada uu taliyaha u yahay, waxaana culeys badan uu ka sheegay in uu ka haaysto isu socodka wadooyinka qaar halka meelaha kele uu ku sheegay in ay kala kulmaan weeraro, hase haatee inta badan ay ka gaaraan guulo la taaban karo oo cadowgooda sida uu hadalka u dhigey ay ku jabiyaan.

Waxa uu quus ku tilmaamey in waxa loogu yeero Ciidamada xooga dalka oo u badan dhalinyaro qaab beeleed loosoo dhisey oo aan laheyn tayo iyo awood ku filan midna oo ay kaga hortagaan weerarada iyo inay sii maamulaan deegaanada laga qabsado Alshabaab.

Taliyaha ayaa Wargeyska u sheegay cidda Maamusha Magaalada Marka, waxa uu yiri “hadii aan awoodi  laheyn in aan gudaha u galno Marka, howlgallo ayana ka sameyn laheyn laakiin hadda waxa haaysta oo canshuur ka qaato Alshabaab”.

“Gaadiidka dadweynaha waxa boosteejada u jooga dad Alshabaab la shaqeeya gaari kasta iyaga la’aantooda ma bixi karo, waxaana ay ka qaataan lacag, iyagaa maamula, dad weynaha waa ay ogyihiin cidda magaalada maamusha taas horaan u gudbinyey warbixinteeda”.

Taliyaha oo sii hadlayey ayaa yri “anaga waxaana nahay Ciidamo dowlada kaabaya, Dowlada Soomaaliya iyadaa laga rabaa inay qorshe la timaado oo kooxahaas looga adkaan karo, anaga shaqadeena waan gudaney”.

Waxa wax laga weydiiyey Maleeshiyada hab beeleedka u dagaalama ee gacanta ku haaysa dhowr goobood oo Marka ku yaala, iyo sida ay suurta gal ku noqotey inay wada joogaan iyaga iyo Alshabaab.

Waxa ku jawaabay in is afgarad uu ka dhex jiro Maleeshiyada Habargidir iyo kuwo Alshabaab oo danta ay bidey inay ku heshiiyaan dhaqaalaha magaalada laga qaado iyo dagaalka labada dhinac oo hal koox magaalada kula loolameysa ay ka midoobaan taas oo sababtey sida uu taliyaha yiri in Magaalada hormarkeeda iyo adeegyadeeda bulshada ay la mid noqon waayaan kuwa ka jira Gobolada intooda kale.

Warbxintan lagu daabacey Wageyska kasoo baxa dalka Uganda ayaa muujinysa xaqiiqda iyo waxa ka jira magaalada Marka oo ay sanadihii lasoo dhaafey ay isku garbinayeen Maleeshiyada Ashabaab iyo Mooryaanta Habargidir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE