Mid Ka Mid Ah Ergooyinkii Magaalada Cadaado Kusoo Dooratey Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu Toogtey

Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa Magaalada Muqdisho Caawa fiidkii waxa ay ku toogteen Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka kusoo dooratey magaalada Cadaado.

Ninkan oo lagu magacaabi jirey Cabdulle Xasan Maxamed (Cabdulle Uduf) ayaa wuxu u geeriyoodey Rasaas ay ku fureen kooxo Bistoolado ku hubeysan oo markii ay dileen ka dib goobta isaga baxsadey.

Dilka oo ka dhacey xaafadda Suuq Bacaad Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa markiii uu dilka dhacay ka dib waxa goobta waxa soo gaarey Ciidamo ka tirsan kuwo dowlada Soomaaliya, kuwaas oo baaritaan kooban ka sameeyey halkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa kusoo badanaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo qaar ka mid ah bulshada, kuwaas oo qaarkood loo beegsado inay ka mid ahaayeen Ergooyinkii soo doortey Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE