Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Dalka Oo Kulan La Qaatey Madaxda Midowga Afrika Ee Ka Howlgala Soomaaliya (Sawiro)

Ra’iisalwasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, kulankaas oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisalwasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxa hawlgallada AMISOM ahna Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeirra iyo Saraakiil kale.

Ra’iisalwasaare Kheyre ayaa kala hadlay Saraakiisha Hawlgalka AMISOM sidii loo dardar galin lahaa dagaalada ka dhanka Kooxda ah Al-shabaab, iyo sidii Gacanta dowlada loogu soo cein lahaa dhulka ay maamulaan Shabaabka hubeysan.

Madaxda ugu sareysa AMISOM ee kulanka la qaatey Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda dalka ayaa balan qaadey in si dhow ay ula shaqeyn doonaan Madaxda dowlada cusub, ayna xoojin doonaan la dagaalnka Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE