AS Monaco Oo Man City Ka Cidhibtirtay Champions Leaque-ga, Leicester City Oo Sharafta England Difaacaysa, Iyo Ateltico Madrid Oo Dhamaystirtay Sideeda Kooxood Ee U Soo Baxay Sideed Dhamadka UCL (Sawiro)

Kooxda AS Monaco ayaa u soo baxday sideed dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii ay ka yaabsatay kooxda Guardiola ee Manchester City waxayna Sky Blues iska lumisay fursadii ay gacanta sare ugu lahayd kulankii lugtii hore ee Etihad Stadium. Monaco ayaa Man City ku garaacday 3:1 laakiin waxay ku soo baxday sharciga goolaha martida ah kadib markii ay wadarta labada kulan ku dhamaatay 6:6.

Inkasta oo ay Manchester City goolka rajadeeda sare u soo qaaday heshay isla markaana ay u muuqatay kooxda la filan karayay in ay soo baxayso ayay Monaco heshay goolka saddexaad ee rajadii Sky Blues dhulka jiiday, waxayna tani la micno tahay in kooxda Leicester City oo markii ugu horaysay abid Champions Leaque-ga ka ciyaaraysaa ay difaaci doonto sharafta England!!!.

Sideeda kooxood ee isagu soo haray waxaa hogaamineysa Spain oo seddex kooxood ku leh, halka Jarmalka ay ku soo xigaan oo labo kooxood ay ka joogto wareega sideed dhamaadka, min koox ayaana ka socota dalalka kala ah Ingariiska, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid ayaa iska soo xaadirisay wareega 8da ka dib markii ay ka soo talaabeen kooxda Talyaaniga ee Napoli, halka Barcelona ay dhigtay rikoor dhaxalgal ah ka dib markii ay ka soo kabsadeen guuldarro 4-0 oo lugtii hore ka soo gaartay PSG iyagoo lugtii labaad ku jawaabay guul 6-1 ah waxaana ay aheyd wax aan hore uga dhicin Champions League.

Kooxda Atletico Madrid ayaa ah kooxda seddexaad ee reer Spain ee taagan wareega 8da waxaana ay si sahlan uga soo gudbeen kooxda Jarmalka ee Bayer Leverkusen.

Dhanka kooxaha Jarmalka Bayern Munich ayaa wareegii 16ka waxa ay soo xasuuqday kooxda Ingariiska ee Arsenal oo ay natiijo wadareed 10-2 kaga soo badiyeen, halka Borussia Dortmund ay ka soo gudubtay kooxda reer Portugal ee Benfica.

Juventus oo ka mid ah kooxaha waa weyn ee tartanka ku haray ayaa si sahlan wareegii 16ka waxa ay soo dulmartay kooxda Portugal ee FC Porto, halka kooxda kaliya ee mataleysa England ay tahay koox taariikhda Champions League gashay, xilli ciyaareedkoodii ugu horeysay ee ay ka qeyb qaataan koobkaan ayay durbaba soo gaareen wareega sideed dhamaadka iyagoo wareegii hore soo dhaafay Sevilla.

Kooxda Monaco ayaa iyadana si lama filaan ah ku reebtay kooxda macalin Pep Guardiola ee Manchester City kuwaasoo kalsooni qabay madaama ay 5-3 ku soo badiyeen lugtii hore, laakiin guul ay xalayto kooxda Faransiiska ku gaartay garoonkeeda ayaa keentay in City ay marto wadadii ay hore u mareen Arsenal & Tottenham.

Kooxaha Isagu Soo Haray Wareega Sideed Dhamaadka:

Real Madrid (Spain) – Kooxda Difaacaneysa Koobka

Barcelona (Spain)

Atletico Madrid (Spain)

Bayern Munich (Germany)

Borussia Dortmund (Germany)

Juventus (Italy)

Leicester City (England)

Monaco (France)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE