Dhageyso Wararkii Ugu Dambeeyey Burcad Badeed Haaysta Markabka ARIS13 Iyo Ciidanka Puntland Oo Ku Dagaalamay Degmada Caluula

Wararka naga soo gaaraya magaalada Caluula ayaa sheegaya in iska horimaad uu dhexmaray ciidamada badda Puntland iyo Maleeshiyaad doonayay in ay u gudbaan dhinaca Marabka ARIS13 oo hadda lagu haysto deegaanka Xaabo oo 5KM u jirta magaalada Caluula.

Guddoomiyaha Degmadda Caluula Cali shire Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay  in Dagaalku uu  socday waqti kooban, uuna ayaa ka bilaawday, ka dib markii koox kale oo maleeshiyo ah  oo watay Laanji yar ay isku dayeen inay u gudbaan Markabka, hase yeeshee ciidamadda Badda oo ku hareeraysanaa markabka ay ka horjoogsadeen inay gudbaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka Magaalada Caluula ayaa sheegaya in ay Saan-Saan dagaal ka muuqato deegaanka Xaabo oo ay hadda joogaan ciidamada Difaaca ee Puntland, kuwaas oo doonaya in ay soo badbaadiyaan Shaqaalaha & Markabka ARIS13 oo ay haystaan Burcad Badeed.

Mid kamid ah burcad Badeeda oo wareysi siiyey Radio Daljir ayaa sheegay in uusan waxba xog ka heyn khasaare ka dhashay weerarkaas, oo ka dhashay dagaalkii saaka, sida uu sheegay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE