Faafaahinno Kasoo Baxaya Iska Hor Imaad Xalay Ka Dhacay Muqdisho Oo Sarkaal Shabaab Ahaa Lagu Diley (Sawiro)

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab, ka dib dagaal kooban oo dhex maray Alshabaab iyo askarta dowlada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Xaafada Biyo Dageenka Suuqa Xoolaha ee Muqdisho ay weerar kusoo qaadeen koox ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaasi ayuu sheegay iney ku dileen Sarkaalkii hogaaminayey Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,Wuxuuna ku sheegay Magaca  Sarkaalka ka tirsan Al-shabaab ee ay dileen Jacfar Kuukaay.,C/fataax Cumar Xalane ayaa intaa ku daray iney sidoo kale Al-shabaab ka furteen  2 Qori.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE