Maamulka Degmada Lambar50 Ayaa Codsaday In La Dayactiro Iskuulka Deegaanka Muuri Oo Ay Gubeen Maleeshiyada Alshabaab (Video)

Maamulka degmada Lambar50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dowladda Federalka iyo  Jaaliyadaha deegaanka ugu baaqay inay dib u soo nooleeyaan adeegyadii bulshadii oo ay baabi’iyeen maleeshiyada Alshabaab iyo mooryaan gacan-saar la leh Alshabaab.

Inta badan xarumaha waxbarashada degmada Lambar50 iyo deegaanada hoosyimaado ayaa gabi ahaan xiran, qaarkood waxaa dab-qabadsiiyey kooxda Alshabaab iyo mooryaanta Habargidir ee ka soo kicitantay gobolada dhexe ee Somalia kuwaasoo taageero ka helaayey xiliga ay gubayeen madaxweynihii xilkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo gudoomiye C/laahi Waafow oo codsi u diraayo dowladda federalka iyo qurbejoogta deegaanka si loo howlgeliyo xarumaha waxbarashada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE