Dhageyso Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Raashiin Gargaar Ah Ka Qeybiyey Degmada Wanlaweyn ee Galbeedka Gobolka

Maamulka Gobolka Shabeelada hoose ayaa degmada Wanlaweyn oo ka mid ah degmooyinka Gobolka ka qeybiyey raashiin gargaar ah oo loogu talagaley dadka ay haayso Abaarta.

Lacagahan raashiinka lagu iibiyey oo uu soo dhiibey Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa sida uu sheegay Maamulka waxa loo qeybiyey qoysaskii loogu talagalay ee Abaarta sida xun ay u saameysay.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha Maamulka Gobolka Shabeelada hoose Cabdifataax Xaaji Cabdule ayaa warbaahinta u sheegay in horey dhowr degmo raashiin loogu soo qeybiyey iyadoo ay weli harsanyihiin sida uu tilmaamay degmooyin kale oo gacanta lagu haayo gurmadkii loogu talagalay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE