Dhageyso Mooshinka Laga Keenay Shariif Sakiin Oo Ay Saxiixeen In Ka Badan 75 Xildhibaan Oo Ka Tisan Baarlamaanka K/galbeed

Qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay saxiixeen, islamarkaana ay baarlamaanka u gudbinayaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada ayaa sheegaya in madaxda uga sarreysa maamulka ay ku eedeynayaan waxqabad la’aan, ku tagri fal awoodeed iyo isla xisaabtan la aan xaga sharciga ah.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay rajeynayaan in mooshinkan uu baarlamanka dood ka yeesho labaatanka bishan, ayaga oo guddoonka baarlamanka ugu baaqay inuu xildhibaanada u furo hoolka baarlamanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE