Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona Oo Mari Doona Kulamo Waali Ah Oo Go’aamin Doona Qaabka Ay Xili Ciyaareedkan Ku Dhamaysan Karaan Iyo Xogtan Oo Dhamaystiran

Kadib markii la soo saaray isku aadka Champions Leaque-ga wareegiisa sideed dhamaadka waxaa soo baxay kulamo adag oo ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay ciyaari doonaan. Kulamada ay ciyaari doonaan Real Madrid iyo Barcelona ayaa iskugu jira kulamo horyaalka La Ligaha ah iyo min laba kulan oo ka tirsan wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga.

Waxaa la soo gaadhay qaybta xili ciyaareedka ugu muhiimsan ee ay koox kastaaba isku taagto in ay ku dhamaysto qaabka ugu fiican, laakiin kooxaha ku jira tartanka kooxaha Yurub gaar ahaan Champions Leaque-ga ayay wax adag ku noqon doontaa in ay diirada ku wada hayaan kulamada horyalada ee sii adkaanaya iyo waliba Champions Leaque-ga oo galay heerkii ugu adkaa. Kulamada ugu adag ayaa haddaba loo arkaa kuwa ay Barcelona iyo Real Madrid ciyaari doonaan bisha April.

Kulamada Real Madrid Ay Ciyaari Doonto Min Sabtida March 18 Ilaa Bisha April:

Real Madrid ayaa ciyaari doonta lix kulan oo saamaynta ugu wayn xili ciyaareedkeeda ku yeelan kara, taas oo la micno ah in labada koob ee ay u tartamayso ee Champions Leaque-ga iyo La Ligaha ay ku go’aamin karto lixdan kulan. Real Madrid ayaa afar kulan la ciyaari doonta kooxaha Atletico Madrid, Barcelona oo La Ligaha ah iyo laba kulan oo Champions Leaque-ga ah oo ay Bayern Munich la yeelan doonto.

March 18: Atheltic Bilbao Vs Real Madrid

April 2 – Real Madrid vs Alavés

April 5– Leganés Vs Real Madrid

April 8– Real Madrid Vs Atlético

April 12– Bayern Munich Vs Real Madrid

April 16– Sporting vs Real Madrid

April 18– Real Madrid vs Bayern 

April 23– Real Madrid vs Barcelona 

Kulamada Barcelona Ay Ciyaari Doonto Min Axada March 19 Ilaa Bisha April

Sidoo kale kulamada soo socda ayaa Barcelona ku ah kuwo ay ku go’aamin karto haddii ay sii wadan doonto rajadeeda ah in ay noqoto koox markii saddexaad ku guulaysan karta saddexda koob waxaana sugaya min kulanka Valencia ee axada ilaa Sevilla, Juventus oo laba kulan ah iyo waliba kulanka El Clasicoda ay Real Madrid booqan doonto inkasta oo waqtigiisa iyo taariikhdiisa si rasmi ah loo shaacin doono.

March 19: Barcelona Vs Valencia

April 2: Granada Vs Barcelona

April 5: Barcelona Vs Sevilla

April 8– Malaga  Vs Barcelona

April 11– Juventus Vs Barcelona

April 15-16– Barcelona  vs Real Sociedad

April 19– Barcelona vs Juventus

April 23– Real Madrid vs Barcelona 

W/Q Mohamoud Batalaale

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE