Mooryaanta Magaalada Marka Xageys Kaga Suganyihii, Alshabaabse Xagey Kaga Sugntahay Yaase Amiir Uga Ah Magaalada (Xog)

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose seddaxdii sano ee lasoo dhaafey waxa ka socdey dagaallo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Mooryaanta kasoo duushay Gobolada dhexe.

Dagaalka ayaa si toos ah uga dhexeeyey Mooryaanta Habargidir oo awood ka helaayey Maleeshiyada Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dad deegaanka oo hiil aan xad laheyn ka haaysta Ciidda ay u dhasheen.

Muddo haatan laga joogo ku dhawaad hal sano waxa magaalada Marka dagaalkeeda waji kale u yeelay Maleeshiyada Alshabaab oo dagaal toos ah la gelay dadka deegaanka kana hor istaagey in ay iska dhiciyaan Mooryaanta.

Wararka haatan la helaayo ayaa ku waramaya in shabaabka iyo Mooryaanta ay kala qeybsadeen magaalada, Mooryaanta ayaa lagu amrey in ay aysan soo gudbi Karin halka uu ku yaallo Sahal Internet oo ah dhisme ku dhegen burcad badeed.

Waxaana loo ogolyahay kaliya Dhismaha Swiss kalmo ilaa dhismaha Burcad badeed, halka magaalada inteeda kale ee dhinaca Barri ay maamulaan Maleeshiyada Shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafey waxa jirey is faham la’aan ka dhex jirtey labada dhinac oo isku qabsadey Nin Darawal ahaa oo dhawaan lagu diley magaalada Marka.

Shabaabka oo horey u baneystey dhiiga Shacabka Beesha Biimaal ayaa diidey in Nin Maskiin ah oo aan wax saameyn ah yeelan karin dilkiisa la sababsado taas oo ujeedadeeda ay tahay mid aad u foogtahay.

Dilkaasi dartiisa ayaa sida aan ku heleyno warbixin hoose xilkiisa ku waayey Yuusuf Leeri oo Shabaabka Amiir uga ahaa magaalada Marka, waxaaana lagu soo bedelay Nin kale oolagu magacaabo Saleebaan Timaweyne.

Yuusuf Leeri oo sida ay sheegeen dadka yaqaana u dhashay Beesha Abgaal ayaa ka mid ahaa dhalinyarada kusoo barbaartey magaalada Marka, waxaana sanadihii dambe uu ka tirsanaa Alshabaab.

Saleebaan Timaweyne oo ah Amiirka cusub ee Alshabaab ee magaalada Marka ayaa isagana la sheegayaa in horey uu u ahaa madaxii marin habaabinta Bulshada uu u dhashay 12 koofi (Duruqbo).

Amiirka cusub ee Alshabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafey Bilaabey qudbado uu Shacabka ugu baaqayo inay ka qeyb qaataan waxa ay ugu yeeraan Jihaad oo ay ku baneysteen dhiigga Shacabka iyo hantidooda.

Mooryaanta ayaa dhaqaale ahaan xilligan waxay ku tiirsanyihiin lacago bil walba laga qaado Dukaamada Magaalada ku yaalla, Baabuurta magaalada soo gasha, waxaana shaqadaas u qaabilsan laba kaarle lagu magacaabo Farey oo kasoo jeeda Gobolada dhexe (Cadaado).

Waxaan dhawaan soo gudbin doonnaa Alshabaab Shakhsiyaadka magaalada u qaabishan iyo Xiriirka Mooryaanta kala dhexeeya cidda u kala war qaadda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE