Mooryaanta Taageerta Alshabaab Ee Ku Go’doonsan Magaalada Marka Oo Bilaabey Inay Ka Degaan Qaar Ka Mid Ah Dhismayaashii Ay Xooga Ku Saarnaayeen

Mooryaanta Habargidir ee ku go’doonsan xaafado kooban oo ku yaalla magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa bilaabay in ay dib u gurasho sameeyaan ka dib markii ay la kumeen culeysyo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ayaa ku waramaya in qaar ka mid ah dhismayaashii ku yiilay xaafadaha Horseed iyo Jujuumo ee si xoogga ah looga degey shacabkii iska lahaa ayaa Mooryaanta ay baneeyeen, waxaana taasi la leeyahay inay ka dambeysay culeysyo xoog leh oo la saarey dhismayaasha qaar.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwo deegaanka ayaa howlgallo waxa ay ka qabteen dhismayaashii ugu dhibka badnaa ee laga toogan jirey Shacabka, waxaana taasi ay keentey dhowr dhisme oo hada haawanayaan kuwaas oo horey qoryo ay ugu xirteen Mooryaanta.

Ka dib dagaalii seddexda maalmood qaatey ee dhawaan ka dhacey magaalada Marka oo Mooryaanta Gobolada dhexe iyo kooxda dulmiga ku taageerta ee Aslahabaab ay dagaaladaasi ku waayeen dhowr qof oo muhiim u ahaa dagaalada dhul boobka ah ayaa waxa waji kale yeeshay duulaanka.

Dhinaca kale Ciidamada deegaanka ayaa wada dadaalada ay ku doonayaan inay ku hantaan inta  fara ku tiriska ah ee weli gacanta ugu jirta Mooryaanta soo duushey, waxaana  aad magaalada looga dareemayaa xajmiga  uu la egyahay culeyska ay wadaan Ciidamada.

Inta badan magaalada Marka waxa isaga baxay qab qablayaashii Mooryaanta ku saacidi jirtey dulmiga dhul boobka halka kuwo qaar ay bilaabeen in ay boorsooyinkooda xir xirtaan.

Magaalada Marka oo maamulkeeda la afgembiyey bilowgii sanadkii 2016-ka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafey waxa dhaqaale ka qaadanaayo Mooryaanta Gobolada dhexe iyo Maleeshiyada Alshabaab oo heshiis ku ah dulmiga Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE