Nin Dilal Geystay Oo Ciidamada Ammaanka Degmada Marka Aad Ay U Doondoonayaan (Sawiro)

Ciidamada ammaanka degmada Marka ayaa si weyn u doondoonaayo nin mooryaan ah oo dilal badan ka geystay degmada Marka isla markaasina ilaa hadda ku sugan qaybo ka mid ah magaalada Marka isagoo warar barobagaanda a ku faafiyo baraha bulshada ku wada xiriirto.

Mooryaanta Habargidir ee haraadigeeda weli uu ku dambeeyo magaalada Marka iyo goobo fara ku tiris ah oo ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose ayaa bilaabey faafinta warar been abuur ah oo niyada ay kusii dhistaan.

Warbaahinta Muqdisho ayaa joojisey taageeradii Afka aheyd ee ay ku saacidi jirtey Mooryaanta, kolba hadii ee meesha ka baxey hadafkii guuud, waxaana arintaas ay ka dambeysay ka dib markii ay cadaatey cidda Maamusha magaalada Marka.

Warbaahinta Muqdisho ka howlgasho oo mooryaanta taageeri jirtay ayaa isku qaldi waayey Alshabaab Iyo Mooryaanta Gobolada Dhexe, waxaana taasi darted ay door bideen inay ka gaabsadaan buun-buuninta wararkii been abuurta ahaa ee sida indha la’aanta ah ay ugu taageeri jirtey Mooryaantooda.

Maalmihii lasoo dhaafey baraha ay ku xariirto bulshada gaar ahaan Fecabooka waxalagu arkaa qoraal iyo Muuqaalo Muujinaya sheekada khiyaaliga ah ee ay niyada ku dhistaan Mooryaanta.

Mooryaan Qoslaaye Cabdikariin Shiino

Ninkan Sawirkiisa idin Muuqda Waa Maxamed Cabdikariin Qoslaaye waa shakhsi Mooryaanta u qaabilsan Wararka been Abuurta ah ee lagu aflagaadeeyo halyeeyada Beesha Biimaal iyo dadka u kacey iska dul qaadidda heeriyada Mooryaanta ee haraadiga ka ah Maamlkii kaaba Moooyaan Yuusuf Indhacade.

Maxamed Cabdikariin oo lagu naaneeso Qoslaaye ayaa sida ay noo xaqiijiyeen dadka yaqaana qoyskooda ku dhashay Tuulo u Dhow deegaanka Barandiiradley oo hoostagta magaalada Cadaado, horaanta sanadihii sideedtameeyadii.

Sanadkii 2001-dii  ninkaan Aaabihiis oo mukalaal Madow ka ahaa Shirkadda Hormuud faraceeda magaalada Marka ayaa ka shaqaaleysiiyey, waxaana markii dambe uu muteystey in shaqada laga Buriyo.

Sababah shaqada looga eryay Mooryaan Qoslaaye ayaa loo sababeeyey markii qalab (Tooratoore) ka xadey qori ay shirkadda u dhiibtey oo uu ka iibsadey Mooryaantii xoogga ku joogtey waagaas saldhiga magaalada Marka.

Wixii xilligaasi ka dambeeyey Moorryaan Qoslaaye wuxuu dib ugu laabtey halka uu kasoo jeedo ee Cadaado, waxaana lasoo wariyey in uu ka mid ahaa Mooryaantii dadka iyo gaadiika ku dhici jirtey inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb, isagoo markii dambe kasoo cararey kooxda Ahlu sunnah oo dil ugu hanjabtey.

Sanadii 2014-kii waxa uu ka mid ahaa Mooryaan duulaan ku qabsatey magaalada Marka, waxa lagu xasuustaa xilli ay tahay Bil Ramadaan in Xaafadda Ayuub ee magaalada Marka uu ku toogtey Allah u naxriistee Xasan Maxamed Abow (Xasan Qaran).

Dilka marxuum Xasan Qaran ayaa sida aan xogta ku haayno waxa Aabihiis Cabdikariin Shiino uu ku abaal mariyey lacag aan tiradeeda la helin, waxaana Kaaba qabiil C/kariin Shiino uu fursad u arkay dilka Xasan Qaran oo uu hunguri ka galey booskii uu ka shaqeyn jirey oo ugu yaraan uu doonayey inuu geysto mid ka mid ah wiilashiisa.

Waxa kale oo Mooryaan Qoslaaye u ku lug lahaa dil bartamaha Magaalada Marka loogu geystey Allah U Naxriistee Maxamed Cabdi Deeq oo ay u dhaxdey Gabar Ilam adeer dhow ay ahaayeen Mooryaanta Ciyaalka uu Abtiga u yahay Agoonteeyey, isagoo Damiir Xumadiisa isku darsadey Seedi dil iyo Ciyaalkiisa Agoonteeye, waxaana ina adeertiisa uu ku qasbey in ay qaado Asaay.

Waxa uu Nolosha si xaq dara ah uu u dhaafiyey Muwaadin aan u hubeysneyn oo u xamaalanaya ciyaalkiisa, isagoo sida lasoo wariyey ku faaney dilka Marxuum Deeq.

Xiligii uu shaqeenaayey Maamulkii K/galbeed ay soo magacaawdey ee gudoomiye uu ka ahaa Xasan Cumareey, waxaa Mooryaan Qoslaaye uu dhowr jeer dhac u geystay Qaad ay lahaayeen Haween Ganacsata ah suuqa magaalada Marka, isagoo caadi ay ka tahay dhaqanka noocaas oo inta badan noloshiisa uu ku jirey.

Gabagabo

Maxamed Cabdikariin Shiino Qoslaaye waa nin dembi badan ka galay Shacabka Magaalada Marka, wuxuu haatan ku howlan yahay been abuur aan sal laheyn iyo sheeko qiyaali ah oo waqtigeeda uu dhamaadey, waxaana sugeynaa in Mooryaankaas sifaadka aan soo sheegney ku sifoobey in maalin maalmaha ka mid ah uu mari doono wadadii ay ku halaagsameen mooryaan ku soo duushay bulshada degmada Marka oo uu ugu dambeeyey horjooge Cabdi Qaliif oo 25-ka febraayo lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE