Dhageyso Dowlada Soomaaliya “Xasuuqa Loo Geystey Shacab Soomaaliyeed Oo Miskiin Ah Waxa Mas’uul Ka Ah Isbaheysiga Ka Dagaalamaya Yaman Iyo Dowlada Cabdi Rabo Mansuur Haadi”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Xasuuqii Qaxootiga Soomaaliyeed shalay loogu geystay dalka Yemen.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Arimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa ku eedeeyey xulufada Sucuudiga iyo dowladda Yemen iney masuul ka yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu laayey Xeebaha dalka Yemen.

C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Madaxda Soomaaliyeed ay kala hadli doonaa Masuuliyiinta Sucuudiga dhacdadaasi,Wuxuuna tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii ku waxyeeloobay Gantaalka lagu dhuftay Doon ay la socdeen Qaxooti Soomaaliyeed oo kusii jeeday dalka Suudaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE