Dhageyso Faallo Ka Hadleysa Saameynta Abaarta Ba’an Ee Ka Jirta Dalka Soomaaliya

Soomaaliya Markale waxaa ka dilaacday Abaar  Baabi,isay  xoolo farabadan oo ubadan Ariga iyo loda, Waxaa hada bilowday dhimasha Geela oo ah xoolaha la dhaqdo kan ugu adkeysiga badan.

Soomaaliya laga soo bilaabo sanadii 2015 kama di,in roob kaafiya Miiga iyo Magaalaba.

Xoola dhaqatada iyo beerafalatadaba waxay ka siman yihiin saameynta roob la,aanta jirta.

Mudo waxay ku soo moodeen heli taanka biyaha  oo ay ka heli jireen ceelasha ku yaal deegaanada ay ku noolyihiin.

Abaarta oo dheeraatay  waxaa guray in badan oo ka mid ah ceelashii biyaha qaarna way biya yareeyeen waa saameynta abaareed ee halisteeda leh markii lawaayo biyaha waxaa layiri nafta waa biyo.

Waxaa intaas ka dib bilaabatay in macluul darteed ay u geeriyoodaan Ariga iyo loda sababta ayaa ah daaqii ay  ku noolaan lahaayeen  xoolaha oo nabaad guuray dhirtii oo aan lahayn caleemo qoyan  iyo dhulkii oo  siiga mooye waxa laga sara aan lahayn.

Markii xaalaka halkaas uu marayo xoolaha waxaa ku yimaada cudur dedejiya geeridooda ileen waxaa dhamaaday difaaca jirkooda.

Reemiiga xoolaha noocaas ah maqashaan dhurwaagana macuno sabab weyd aawadeed.

Marxaladahaas inta lagu guda jiro waxaa dhankooda difaaca jireed  iyo mid awoodeedba laciifa xoola dhaqatada maadaama noloshooda badi ay ku tiirsan tahay xoolaha.

Qoysaska noocaas ah markii xoolihii ay dhaafeen naftoodana ay u yaabeen waxay maciin bideen goobaha ay umaleyn karaan in ay ku badbaadi karaan qaarbaa soo gaaray muqdisho.

Dhacdooyinka ugu xanuunka badan ee abaarta waxaa ka mid ah hooyo haysata laba caruur ah oo doonaysay in muqdisho soo aado iyada iyo labadeeda caruurba ayaa dhaxda ku qurbaxday gaajo aawadeed waxaa ku dul ciyaarayay labadeedii caruur oo mid kood naaska hooyada nuugaya halka midka kale uu kacelinayo mana yaqaanaan in hooyadood ay geeriyootay.

Abaarta hada jirta waxay ka taagan tahay dhamaan gobolada soomaaliya oo ka kooban 18 gobol jamhuuriyada soomaaliya.

Soomaaliya oo qaadatay nidaamka federaalka xoola dhaqatada ku nool deegaanada waqooyi waxaa xaaladooda ladaaladhacaya Maamulka soomaaliaalnd.

Silamid ah kuwa ku nool gobolada Bari iyo nugaalna waxaa ladaaladhaca Maamulka Puntaland.

Qoysaska tiradaban ee hada soo gaaray Magaaladaa Muqdisho waxay ka kala yimaadeen Deegaanada.Bay,Bakool,Gedo,Galgaduud,Hiiraan,Mudug,shabeelaha dhexe,shabeelaha hoose,jubada dhexe iyo jubada hoose.

qaar kalana waxay aadeen dhanka kenya.

kuwa soo aaday muqdisho ayaa waxaa la ii sheegay in dhaxda ay ku soo geeriyoodeen caruurta haweenka uurka leh iyo waayeelada.

Markii ay dhacdo Abaar waxaa yimaada cudurka shubanka oo qofka tabarta yar uu ugeeriyoodo.

Abaartan ka taagan soomaaliya  waa Abaartii 4 aad oo soo marta soomaaliya waxayna kalayihiin Abaartii 1974 oo loo bixiyay daba dheer waxaa xigtay Abaartii 1992 oo loo yaqaano caga barar iyo Abaartii 2011  iyo Abaartan 2017.

Abaartii daba dheer soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad shacabkaasna waa lasamatabixiyay

Abaarahaan danbe waxay ku soo aadeen soomaaliya oo nidaamkii haykalka dowladeed uu bur buray.

Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa ku nool qoysas barakacayaal ah ku waa soo keentay Abaartii sanadii 2011.

Xiligaas qoysaska waxaa xarumo loogu sameeyay xarooyinka Badbaado iyo Rajo oo ku kala yaala Degmooyinka Dharkenlay iyo Wadajir.

Dowladii xiligaas jirtay waxay ku sameysay Tira koob waxaa muqdisho safar ku yimid madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar geele oo booqday xerooyinka barakacayaasha iyo cisbitaalka Banaadir.

Runtii booqashadaas waxa badan ayay ka bedeshay indhaha caalamka

waxaa ku xigay Madaxweynaha dalka turkiga Rajab dhayib ordigaan oo markaas ahaa Ra`iisul wasaare.

Wax ka yar bil  Turkiga waxaa uu keenay gar gaar ka kooban nooco kala duwan sida raashiin iyo dawooyin oo nolosha barakacayaasha wax weyn ka bedeshay  heer markii danbe lagaaray in mucaawanadii lagu iibiyo hareeraha wadooyinka Muqdisho.

Qoysaska noloshooda kor uqaaday Dowladda Turkiga  markii meesha ay ka baxday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed waxaa dhankooda hakad ku yimid Hay`adihii Gargaarka bixinayay.

xerooyinkiina waalaga saaray waxayna deegaan sadeen duleedka Muqdisho intooda badan.

Xaaladooda nololeed ayayna la daaladhacayeen sanadihii la soo dhaafay.

iyadoo xaalkooda uu halkaas marayo ayaa waxaa hada ku soo kordhegay qoysas tira`ahaan ka yareen hadiiba aan ka badneen.

Dhamaan qoysaska cusub iyo kuwii horaba waxay ka siman ihiin xaga hoyga cunada caafimaadka iyo biyaha  hadii aan loo helin gar gaar deg deg ah waxay halis ugu jiraan in qoysasbadan ugeeriyoodaan Macluul iyo shubanka deg deg ah ee laxariira macluusha

Waxa wax ka qabadka u bahaan waxaa ka mid ah in tira koob lagus ameeyo qoysaska baraka cayaasha ah si ay u fudadaato cida gar gaar siinaysa.

Sidaas aawadeed miyaysan Habooneen Maareynta maatada Maalkoodii noolaa Abaarta Madhay.

Waxaa Faaladaan diyaariyay Weriye Faarax Ibraahim Yacquub

Gumeysidiid5@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE