Xildhibaan Cabdalle Xuseen Iyo Suldaankiisa Ibraahin Cali Xaaji Oo Lunsadey Raashiin Gar Gaar Ah Oo Loogu Talagalay Dad Barakacayaal Ah (Warbixin)

Intii uu socdey Ololihii doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxa jirey Raashiin gaar ah oo dowladii xilligaasi jirtey ay u qoondeysay in la siiyo dad barakacayaal ah oo ku dhibaateysan duleedka magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Beesha Biimaal ayaa kulan gaar ah la qaatey Madaxweynihii xilligaasi oo kaambeyn ugu jirey in uu mar kale talada dalka kusoo laabto, waxaana xildhibaanada ay gubisteen codsi ahaa in loo fasaxo raashiin gargaar ah oo ay qaataan dad barakacayaal ah oo ka yimid deegaano ka tirsan Shabeelada hoose oo ku jiro xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Sida ay noosoo wariyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada kulankaas goob joogga ka ahaa Xasan Sheekh ayaa Cabduqaadir Maclin Nuur Taliyaha Zaadka Wasaaradda Gaashaandhigga amrey in la bixiyo raashiin la siiyo qoysas gaaraya ilaa 800, oo qoys ah.

Shirkan ayaa dhacay xilligii Xasan Culusow uu aad u daneenaayey in uu helo Codadka Xildhibaanada, waxaana lagu qiyaasey bishii Janaayo bartamaheeda 15-20-keedii ee sanadkan.

Xasan Sheekh ayaa bixinta raashiinkaas u xil saarey Wasaaradda Gaashaandhigga oo ku xigeen uu ka ahaa Cabdalle Xuseen Cali, Xildhibaanada kala ah Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil iyo Cabdiraxmaan Ibbi oo ku sixiran magaca Suldaan ayaa Xasan Sheekh u sheegay in uu wakiil ka yahay Ibraahin Cali Xaaji laguna wareejiyo wixii ogolaasho ah ee loogu talagalay Shacabka barakacayaasha ah.

Waxa goobtaas lagu magacaabay Gudi ka kooban seddax xubnood oo kala ahaa Ibraahin Cali Xaaji, Cabdalle Xuseen Cali iyo Xildhibaan Nadiir, iyadoo markii dambe laga dhuuntey oo banaanka lagu tuurey Nadiir oo lagu sheego nin ad adag oo ay u cuntamin dhaqamada dadka u sixiran hogaanka xisbiga Sharta ah.

Sida la aaminsanyahay raashiin gar gaar oo laga soo bixiyey Bakhaarka uu yiilay ayaan la geynin goobihii loogu talagalay, waxaana in mudda ah jirey tuhun ah halka raashiinkaas uu ku baxay.

Markii la lunsadey lacagaihii gar gaar ee dhawaan lagu bixin lahaa magaalada Marka Ceeb iyo Fadeexad xunna ay ka raacdey Mas’uuliyiinta uu wakiishay Ibraahin Cali Xaaji ayaa waxa soo if baxdey sheeko xiisa badan oo ku saabsan raashiin gar gaar ah oo horey loo iibsadey.

Waxa kaloo jira raashiin dhowr jeer oo horey lagu musuq maasuqey magaalada Muqdisho kuwaas oo loogu talagalay in ay la gaarsiiyo shacabka magaalada Marka, waxaana caada u aheyd kooxdan Muqdisho ku sugan in sanad walba la leexsado Cunno macmacaan ah oo dowladda Cumaan ay ugu talagalaya in lagu Afuriyo dadka Sooman.

Ma jiro isla xisaabtan iyo wax iska weydiin ku tagri falka awoodeed ee ay ku dhaqmaan Ibraahin Cali Xaaji iyo kooxdiisa oo majaraha ay u haayaan rag uu ka mid yahay Cabdalle Xuseen Cali iyo rag kale, kuwaas oo noqdey shakhsiyaad dhiig miirata ah oo aan kalsooni ka haaysanin shacabka ay kasoo jeedaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran