Xog Yaa U Ku Loolamaya Xilalka Wasiirnimo ee Ay Heli Doonto Beesha Biimaal

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa weli waxa uu jahawareer ka haaystaa magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee wax ka bedeli doona xaaladda adage e ku jiro dalka.

Siyaaisyiin badan ayaa u taagan qabashada xilkaasi, halka siyaasiyiin isku beel ah oo ay wada doonayaan kurrsiga ama kuraasta ay beesha heli doonto.

Tusaale ahaan Beesha Biimaal oo laga yaabo hal wasiirr iyo hal ku xigeen ay ka hesho xukuumadda cusub ayaa waxa harrdan badan ugu jira siyaasiyiin badan oo qaarkooda horey ugu soo fashilmay xilalkii ay soo qabteen.

Waxa jira magacyo Cusub iyo kuwo horey loo hadal haayey in ay heli doonaan Wasiirnimo, mana kala cadda cidda xilkan ku guuleysan doonta.

Prof Cabdulaahi Cali Cabdi oo ah Muwaadiin Soomaali Britein ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Biimaal ee xilka raadinaya waxaana kusoo xig Saciid Maxamed, Cabdulaahi Cumar Abshirow, Cabdiwahaab Cali Muumin, Sheekh Nuur Maxamed  Xasan, Cabdiraxmaan Ibbi iyo Cadalle Xuseen Cali.

Xubnaha qaar ayaa la kulmaya loolan adag iyo xilka ay raadinayaan ay ku hor gudban tahay su’aal adag oo ah intii xilalka aad soo qabateen maxaad soo kordhiseen oo aad ku faani  kartaan si mar kale aad xil u qabtiin,waa su’aal ay adagtahay in ay ka jawaabaan Xildhibaanada kala ah Cabdiraxmaan Xaaji Ibbi iyo Cabdalle Xuseen Xuseen Cali.

Labadan shakhsi ayaa inay kusoo baxaan Liiska Golaha Wasiirada waxa si aad ah ugu shaqeenaya Ibraahin Cali Xaaji oo ay ku garbeeyeen duminta iyo boobka xilka dhaqanka Beesha Biimaal.

Ra’isalwasaare Kheyre oo gacabta ku haaysta feel ay ku qoranyihiin siyaasiyiin xil ma gooyayaal ah oo ku sifoobey fashil iyo xil gudasho la’aan kuwaas oo xilka ay soo qabteen ka dhigey kuwo lagu lug-gooyo Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran