Baarlamaanka Oo Codsadey In Deg Deg Ah Loosoo Dhiso Golaha Wasiirada Si Aya Uga Qeyb Qaataan Gurmadka Dalka

Iyadoo weli is mari waa uu ka taaganyahay qaabka xulidda Golaha Wasiirada ayaa Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya waxa uu madaxda ka dalbadey in lasoo dedejiyo Xukuumadda Cusub.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad oo ka hadlayay kulan shalay Baarlamaanka ku yeeshay Muqdisho, kuna ansixiyay qaraarka abaaraha ayuu sheegay in loo baahan yahay in Xildhibaanada ay qeyb ka noqdaan gurmadka abaaraha iyo deegaanada deeqaha la gaarsiinayo, maadaama ay yihiin deegaanadii laga soo doortay.

Waxaa uu sheegay inuu ka dalbaday Hey’addaha fulinta iyo Guddiga Abaaraha inay Xildhibaanada u adeegsadaan howsha gaarsiinta deeqaha, lagana wareysto Xildhibaanada, maadaama ay matalaan shacabka “Waa in Xukuumadda si deg deg ah loo soo dhiso, Xildhibaanada waxay kaliya u xayiran yihiin ansixinta Xukuumadda, si gurmadka abaaraha socda uga qeybqaataan”ayuu yiri Mahad Cawad.

Weli waxa jira is mari waa dhinaca xulista Golaha Wasiirada ah, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Madaxda ugu sareysa talada dalka ay isku hayaan shakhsiyaadka ku haboon in loo magacaabo xilalka ay kasoo dhalaali karaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran