Daawo Warbixin Askartii Dhawaan Lagu Soo Bandhigey Garoonka Diyaaradaha Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose (Video)

Maamulka Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa soo bandhigay Ciidamo Cusub oo ay ugu talagaleen in deegaanada Gobolka Shabeelada hoose ay kula dagaalamanaa Maleeshiyada argagaxisada ah ee Alshabaab.

Munaasabadda lagu soo bandhigaayey Ciidamadan ayaa waxa ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan waxaan ka xusi karnaa Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda Degmada Nambar 50 Cabdow Abuukarr Axmed “Umadan taariikhdii ay jirtey waxba looma qaban, mana loo ogolaan inay wax qabsato hadii wadadii laga xirey amni dara la geliyey dhib badan loo geystey, marka waxaan rabnaa Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hadii aan kaftan yar ku daro koobka waxa qaatey Ninkii yiri hala ii geeyo Farmaajo”.

“Anaga hala ii geeyo maahan, dal iyo dad deegaan aan nahay anagoo fakarka noocaasi qabna ayaan dhihi karirin, ayaa waxaana Farmaajo leenahay baahida deegaankan ka jirta ha arkee war Farmaajo yaa noo keena, Madaxweynaha yaa noo keena ay naga taagantahay ileen Madaxtooyo nama qaado waxaana nahay Umad dhan”. ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiye Cabdow Abuukar Axmed.

Dhinaca kale Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa dhankiisa dowlada Farmaajo u sheegay inay la wareegaan Ciidamadan oo ay siiso xuquuda ay ku yeeshaan maadaama intii ay soo shaqeenayeen aanay helin wax xuquuq ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE