Dagaal Khasaare Geystey Oo Gobolka Baay Ku Dhex Marey Milateriga Soomaaliya Iyo Kooxda Alshabaab (Sawiro)

Dagaal khasaare kala duwan geystey ayaa lagu soo waamayaa in uu ka dhacay deegaan duleedka kaga beegan degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa yimid sida la sheegay ka dib markii Ciidamada dowlada ay ku baxeen wadooyinka ay go’doomiyeen Maleeshiyada Alshabaab, halkaas oo Milateriga Soomaaliya ay howlgal wado furis ah ka sameeyeen.

Labada dhinac ayaa halkaasi waxa ku dhex marey dagaal culus, iyadoo howlgalka wada furista inta uu socdey jidka loo galay Ciidamada Dowlada ee ka soo baxey degmada Qansaxdheere.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in khasaare uu soo kala gaarey labada dhinaca, halka Maeeshiyada kooxda Alshabaab ay gubeen deegaan duleedka ka xiga Degmada Qansaxdheere, Sawiro ay heshay warbaahinta ayaa muujinaya khasaaraha tuulada uu u geystey dabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran