Dhageyso Gudoomiye Ku Xigeenkii Maxkamada Magaalada Kismaayo Oo Ku Dhawaaqey Inuu Is Casiley

Sheekh Xasan Isxaaq Cali oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Maxkamada Degmada Kismaayo oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu haayey..

Sheekh Xasan Cali Isaaq ayaa sheegay in sababo la xiriira isfahan waa soo kala dhexgalay isaga iyo Masuuliyiinta Maamulka Jubballand ay keentay inuu iska Casilo xilkaasi,Wuxuuna sidoo kale xusay in sababaha kale ee uu isku casilay ay ka mid yihiin Mushahar la’aan iyo amni darro soo wajahday sida uu sheegay.

Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland iyo kuwa Maxkamada Magaalada Kismaayo kama hadal iscasilaada Gudoomiye ku xigeenka Maxkmaadda Degmada Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran