Dhageyso Madaxda Maamul Goboleedka Jubbaland Ayaa Si Indha La’aan Ah U Beeniyey Safarkii Madaxweynaha Kenya Uu Ku Yimid Dhoobley

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isagoo xiran dareys milateri    Booqasho qarsoodi ah ku tagay deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ee Soomaaliya, una dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, Iyadoona Kenya ay ku tilmaamay safarkaasi mid taariikhi ah.

Uhuru Waxaa uu ku amaanay  ciidanka kenya inay si naf-hurnimo ah u gudanayaan waajibaadkooda, una difaacayaan dalkooda hooyo. “Joogitaankiina Soomaaliya, wuxuu bad baadiyay nafaf badan, dadka kenyan ah waligood way idinku faani doonaan, joogitaankiina halkan waxay ugu yaraan dadka ka qaaday cabsidii Al-Shabaab”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo la hadlayay Ciidamadiisa.

Booqashada Uhuru ee Dhoobley ayaa loo arkaa olole doorasho, maadaama dhowaan uu geli rabo Tartan adag oo ah doorashada madaxtinimada dalkiisa, xilli mucaaradka ay dalbanayaan in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in aanay ka war-qabin socdaalka Qarsoodiga ah ee Madaxweynaha Kenya ku tagay magaalada Dhoobley ee ku taala xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, taasoo ah mid xadgudub heykalka dowladnimo iyo sharciyada socdaalka.

Dhinaca kale  Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud siyad Aadan oo la hadlay  ayaa si Indho-la’aan ah u  beeniyay in uu booqasho ku yimid degmada Dhoobley Madaxweynaha dowladda Kenya, isagoo tilmaamay inay muhiim ay tahay inaan Warar been abuur ah laga tabin degaanada maamulka jubbaland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran