Faafaahinno Laga Helaayo Sarkaal Alshabaab Ah Oo Lagu Dilay Deegaanka Buula Shiikh Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka laga helaayo duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu diley Sarkaal ka tirsaan Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buulashiikh ee duleedka ka xiga Qoryooley ayaa soo sheegay in Sarkaal lagu magacaabo Bilaal lagu diley deegaankaas, halkaas oo sidoo kale lagu dhaawacey askari kale oo la socdey.

Wararka aan heleyno ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kuwo Maamulka degmada Qoryooley oo jid gooyo ku lahaa deegaanka Buulashiikh ay la kulmeen laba Nin oo ka tirsanaa Alshabaab oo midkood uu ahaa Sarkaal.

Is rasaaseyn kooban oo dhex martey labada dhinac ayaa waxa goobta ku quur baxey Sakaalka magaciisa lagu sheegay Bilaal halka uu dhaacmey askarigii la socdey oo goobta markii dambe ka baxsadey isagoo dhaawac ah.

Saraakiisha Ciidamada Milateriga ayaa dhacdadaas ku tilmaamey mid ay ku sheegeen howlgal ay ku dileen Sarkaal muhiim u ahaa Shabaabka ka dagaalamaya deegaanada Golweyn ilaa degmada Qoryooley.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran