Wariye Ka Shaqeenaayey Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Ka Howlgala Magaalada Muqdisho Oo Goor Dhow La Dhaacawey

Mid ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Caasimadda ah  ayaa goor dhow waxa uu ku dhaawacmey degmada Hodon, gaar ahaan isgoyska Tarabunka ee magaalada Muqdisho.

Wariye Mahad Maxamed Cabdiraxmaan “ Mutawakil” oo ka tirsnaaa shaqaalaha Idaacadda Shabelle ayaa wararka la helaayo waxa ay sheegayaan in uu ku dhaawacmey is rasaaseyn dhex matey Ciidamo ka wada tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sida lagu qorey page-ka idaacadda Shabelle Wariye Mahad ayaa dhaawacmey xilli uu gudanayey howlihiisa shaqo, isagoo markii uu dhaawacmayey warar u doontey halka ay ka socotey israsaaseynta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran