Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Goboleedka Puntland Oo Geeriyoodey

Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo ka mid ahaa Golaha Baalamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu ku geeiyoodey magaalada Nayoobi ee dalka Kenya.

Marxuumka ayaa dalka Kenya loogu qaaday xaalad caafimaad kadib markii uu ku dhaawacmay 8-dii bishan Maarso 2017 qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa xili uu ka soo baxay hotel ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Geerida xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, sial markanaa uga tacsiyeey shacabka reer Puntland geerida ku timid marxuumka.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Mudug, waxana uu xubin ka ahaa guddiga nabad galyada ee loo xil saaray gobolka Mudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran