Agaasimhii Warfaafinta Madaxtooyada Oo Xilka Laga Qaadey, Iyadoo Lagu Bedelay Agaasime Cusub

Iyadoo xaalad kala guur ah ka jirto Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxa jira xil ka qaadis lagu sameenayo Shaqaalaha xaruntaas ka howlgala oo intooda badan saaxiibo la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Shadoor Xaaji ayaa maanta xil ka qaadis lagu sameeyey ka dib markii amar kasoo baxay Madaxweynaha qaranka uu dhaqan galay, waxaana isla maanta xilkaas loo magacaabay Agaasime cusub.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta warbaahinta u qaabilsana intii socdey ololihii doorasho ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale waxa jira wararr sheegaya in isbedel weyn lagu sameeyey qeybta warfaafinta Madaxtooyada oo shaki weyn ay ka muujiyeen xubnaha aadka uga dhow Madaxweynaha, waxaana taasi ay keentey in isbedelkaas saameyn uu ku yeeshao saaxiibadii hore ee Xasan Sheekh.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE