Dhageyso Maamulka K/galbeed Oo Lagu Eedeeyey Inuu Lunsadey Lacagihii Gargaar Loogu Talagaley Dadka Abaartu Saameysay

Maamulka K/glabeed ee hogaanka uu u haayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa lagu eedeeyey in uu lunsadey raashiin lacago gargaar oo Gudiga Abaaraha ugu taleen dadka Abaarta haayso.

Mas’uul ka tirsan Maamulka deegaanka Lafoole ayaa sheegay in weli aanay helin lacigii deeqda ahaa ee Gudiga Gurmadka ugu talagaleen inay siiyaan dadka Abaata haayso ee uu sheegay in loo qoondeeyey degmooyinka Gobolada Baaya iyo Bakool.

Waxa weli isa soo taraya eedeymaha loosoo jeedinayo Shariif Xasan ee ku aadan lunsashada iyo musuq maasuqa lacago gargaar, waxaana tani ay imaaneysaa iyadoo ay jiraan abaaro iyo Colaado ka jira inta badan Gobolada Maamulka hoos yimaada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE