Kulkankii Baarlamaanka Soomaaliya Ay Ku Yeelan Lahaayaan Xarunta Golaha Shacabka Oo Baaqdey

Kulankii lagu wadey in maanta ay yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqdey ka dib markii Gudoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqey in kulanka uu dib u dhacey.

Kulanka oo lagu wadey in su’aalo lagu weydiiyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa u baaqdey Kooram la’aan, iyadoo la waayey xilhdibaanadii kulanka soo xaadiri lahaa oo dhamaa waayey tirada uu ku buuxsamo kooramka.

Sidoo kale waxa la filayey in kulankii maanta looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta, waxaana Wariyeyaasha goor sii horeysay lagu wargeliyey in shirkan ay banaanka ka ahaadaan, maadaama ay jireen su’aalo xasaasi ah oo la weydiin lahaa Gudoonka.

Waa kulankii u horeeyay ee kalfadhiga koowaad ee Baarlamaankan cusub oo kooram la’aan u baaqdo, iyadoo la xusuusto in Baarlamaankii hore uu kalfadhiyadiisa qaar ay hareeyeen kooram la’aan iyo Xildhibaanada oo aan soo xaadiri jirin badankood.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE