Wasiiradda Haweenka K/galbeed Marwo Binti Ibraahim Cali Ayaa Dadaal Ugu Jirta Hirgelinta Barnaamij Loogu Magac Darey “Haween la’aan waa hormar la’aan”(Sawiro)

Wasiirada haweenka koonfurgalbeed Marwo Binti Ibraahim Cali halkudhiga  oo maalmihii lasoo dhaafay wadey kulamo loogu magaca darey “haween la’aan waa hormar la’aan” ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa xasilinta iyo nabad soo celinta hanaanka geedi socodka Nabada Soomalia gaar ahaan deegaanada Koonfur galbeed Gobolodaas oo ay colaada ragaadiseen .

Marwo Binti ayaa waxay kuguuleeysatay ineey koonfurgalbeed gaar ahaan degmooyinka Marka iyo Nambar 50, ay ka dhigto gogol ay Isugu madalsanyihiin Haween ka kala imaanay guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliyeed.

Gogoshaas lagu madalsanyahay ayaa waxa kasoo qeyb gali doona Gabdhaha ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Ururada Haweenka iyo kuwa nabada iyo xasilinta kashaqeeya ee dalka.

Wasaaradda Haweenka Koonfu galbeed ayaa ka mid ah wasaaradaha fara ku tiriska ah ee shaqada badan Maamulka, waxaana intii ay jirtey Wasaaradan ay ku tallaabsatey horrumar kala duwan iyo waxqabad la taaban karo.

Wasiirad Binti oo sanadkii dhamaaday 2016-ka soo biloowday barnaamish kaan loogu magac daray “Haween la’aan waa hormar la’aan” ayaa waxay ka soo biloowday madashii hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay xubin ka ahayd oo kadhacday Muqdisho, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo iyo Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo goob usoo aheyd waxyaabihii shirarkaas looga hadley iyo doorkii ay ku lahaayeen Haweenka.

Ugu dambeynta Wasiirad Binti Ibraahim Cali ayaa dadaal iyo juhdu dheeraad ah gelineysa sidii ay uga dhabeyn laheyd Barnaamijkeeda ay ugu magac dartey “Haween la’aan waa hormar la’aan

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran