Deg Deg Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub Oo Lagu Dhawaaqey

Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay golaha Wasiirada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xafiiska raysalwasaaraha waxaa hadda ku sugan Warbaahinta madaxa banaan iyo tan dowladda, sidoo kale waxaa ku sugan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee la magacaabayo.

Sida ka muuqata liiska cusub waxaa si weyn la isugu shaandheeyey wasaaradaha oo la keenay wejiyo cusub, wasaaradaha qaarkood oo horey loo siin jirey beelo gaar ah ayaa la is wada dhaafiyey sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo weliba Maaliyadda.

Wasiirada la magacaabay ayaa gaaraya ilaa 26 xubnood iyo hal Ra’iisalwasaare ku xigeen.

Magacyada ilaa hadda la helayo waxaa kamid ah:

1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen

2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda

4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka

6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga

7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha

8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada

9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka

10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga

12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud

13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka

14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka

15- C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka

16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha

17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta

8- C/rashiid C/llaahi Wasiirka Gaashaandhigga

iyadoo weli aan la daabicin magacyada Liiska Wasiirada cusub ayaa waxa la helay kaliya Tirada aan kor ku xusney, waxaana goordhow aan idin soo gudnin doonnaa Liiska oo dhameystiran.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE