Deg Deg Qarax Loo Adeegsadey Baabuur Oo Goordhow Ka Dhacey Magaalada Mauqdisho

Qarax xoog badan loo adeegsadey Gaari ayaa goor dhow waxa uu ka qarxay magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga Hooyooyinka uu kasoo soo horjeeda Tiyaatarka Qaranka.

Sida ay sheegayaan qaraxan ayaa waxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dad goobta ka agdhawaan, waxaana lasoo sheegayaa in xilligii qaraxu dhacaayey goobta ay maraayeen Baabuur badan iyo dad shacab ah oo wadada lugeenayey.

Gaadiidka Gurmadka deg deg oo goobta gaarey ayaa halkaas waxay kasoo qaadeen dadka ku waxyeeloobay qaraxa oo ay u qaadeen goobaha Caafimaad ee magaalada Muqdisho si loo dabiibo.

Qaraxan baabuur ayaa imaanaya saacadooyin ka dib markii maanta lagu dhawaaqey Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE