Maxaad Ka Taqaanaa Horjoogaha Alshabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose, Iyo Qeyb Ka Mid Ah Taariikh Nololeedkiisa (Warbixin)

Alshabaab ayaa sanadihii lasoo dhaafay horjoogayaal cusub isu kala bedeshay Gobolka Shabeelada hoose, waxaana horjooge kasta uu watey dhagartiisa u gaarka ah.

Horjoogaha hada Gobolka Shabeelada hoose ugu magacaaban Alshabaab ayaa waxa lagu magacaabaa Maxamed Sahal, waana magacaiisa saxda ah ee ay u bixiyeen waalidkiisa.

Maxamed Sahal ayaa sida la aaminsanyahay waxa uu kasoo jeedaa deegaanada Jubbooyinka, waxaana dadka ay sheegaan in uu ku dhashay deegaan hoos taga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada hoose.

Aabihiis ee lagu magacaabi jirey Sahal ayaa wuxuu ku dhintey Buundada Araare xilli ay duulaan ku ahaayeen Magaalada Jamaame, waa xilligii ay dhacdey dowladii Maxamed Siyaad Barre, gaar ahaan 1995-1996 dii.

Waxa la sheegaa in uu jirey Wiil da’ahaan ka yaraa Maxamed Sahal oo lagu magacaabi jirey Cabdulaahi Sahal oo isagana ku dhintey dagaal kale oo ka dhacay meel lagu magacaabo Hoomboy, waxaana uu u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey dagaal ay la galeen dadka deegaanka.

Maxamed Sahala ayaa sanadihii 2006-2009 kii ka mid ahaa kooxdii Raaskambooni oo markii dambe isu dhiibtey Alshabaab oo markaas maamuleysay magaalada Kismaayo iyo inta badan Gobolka Jubada hoose.

Dadka yaqaana waxa ay sheegaan in xilal kala duwan uu soo qabtey waxaana ugu horeeyey madaxii Caafimaadka ee Gobolada Jubbooyinka, Maareeyihii Degada Kismaayo, waxaana markii ugu dambeysay uu ahaa Madaxii Maaliayadda Gobolada Jubbooyinka.

Sanadkii aynu kasoo gudubnay Maxamed Sahal ayaa waxa loo magacaabay Horjoogaha Alshabaab ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana inta uu xilka haayo Gobolka ka dhacey barakac iyo duulaan kii ugu xumaa oo Alshabaab ay u geysato dadka Shacab ah.

Sida ay sheegayaan ilo Sirdoon Maxamed Sahal ayaa xilligan ku dhuumaaleysanaya deegaanka u dhow Kuunya-barow ee Koonfurta Gobolka Shabeelada hoose, waxaana uu baxsda ka yahay Ciidamada Saaxiibada la ah kuwo Soomaalida oo dhowr jeer oo hore uu ka badbaadey dilal iyo duqeymo lala damacsanaa.

Warbixinta aan heleyno ayaa sheegeysa in Ninkan uu Gacan yare u yahay, dhagar qabe lagu magacaabo Ducaale oo deegaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Cadaado, waxaana Ducaale u uqeyb ka ahaa duulaanno badan oo ka dhacay Gobolka oo lagu laayey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Mobelada uu isticmaalo Maxamed Sahal ayaa waxa u qabto wiil dhallin yara ah oo magaciisa Xarakiga lagu sheegay Burhaan, inta badan waxa laga fogaayee Anteenada Mobelka, isagoo ay cabsi ka haayso duqeyn diyaaradeed oo lala bartilmaameedsado aallada fududeysa qaraxyada ee ku xiran Taleefanada Gacanta.

Waxqabdkiisa la taaban karo Maxamed Sahal ayaa ah barakcin Shacab, Gubidda Ceeasha Biyaha, dilalka qorsheysan ee lagu fuliyo shacabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan, bartilmaameedsiga Beesha Biimaal isagoo ay ka tahay aar gudasho iyo dhibaatooyin badan oo aan lasoo koobi karin.

Inta aan looso omagacaabin xilka Ninkan waxa magacaabista kula dheganaa C.raxmaan Jarato oo ka war qabey dhagaraha Maxamed Sahal, waxaana Ca.raxmaan Fudeyfa oo ka dheregsanaa sababta kalifi karta in Nin haaysta jago sare uu soo doorto Gobolka qatartiisu ay badantahay.

Waxaana soo gudbin doonaa warbxinno la xiriira xaaladaha uu ku sugnayahay Horjooge Maxamed Sahal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE