Warar Horudhac Ah Oo Kasoo Baxaya Weerar Ismiidaaminta Ahaa Ee Ka Dhacey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Faafaahinno hordhac ayaa waxay kasoo baxayaan Qarax loo adeegsadey Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ka dhacey inta u dhaxeysaGuriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka ee agagaarka Madaxtooyada.

Gaariga qarxay ayaa waxa noociisa lagu sheegay Caasi oo lau qarxiyey koontaroolka koowaad ee wadada aada dhinaca Madaxtooyada, Gaarigan caasiga ayaa sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah inta aanu qarxin ka hor waxa ka degey wadihii gaariga.

Inta la ogyahay waxa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey dadkii goobta ka agdhawaa oo isugu jira Ciidan iyo dad kaloo shacab ah, dadka qaar ee Geeriyoodey ayaa isugu jira kuwoo wadada maraayey iyo dad saarnaa Gaadiid xilligaasi feel ku jirey oo la baarayey.

Wixii faafaahin ee soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonnaa

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE