Warar Sheegaya In Goordhow Lagu Dhawaaqi Doono Golaha Wasiiada Cusub Ee Xukuumadda Soomaaliya

Xafiiska Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ka socota qaban qaabada xafladda ku dhawaaqista Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo in lagu dhawaaqo saacadaha aynu ku guda jirno.

Ku dhawaaqista Wasiirada oo la filayey saacadihii lasoo dhaafey ayaa wararka aahatan laga helaayo Xafiiska Ra’iisalwasaaraha uu sheegayaa in goor dhow ay bilaabaneyso Xafladda, waxaana Xafiiska si aad ah u buux dhaafiyey siyaasiyiin raja ka leh inay iska dhex akaan Liiska.

Xalaya ayaa la filayey in lagu dhawaaqo Golaha Wasiiada, iyadoo markii dambe laga warhelay in dib u dhac uu ku yimid, mana la sheegain sababaha keenay dib u dhaca ku dhawaaqista Wasiiada.

Xukuumaddan cusub ee laga sugayo in uu ku dhawaaqo Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inay kasoo dhex muuqdaan siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtey xukuumadihii dalka soo maey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE