Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan Iyo Cabdulaahi Cumar Abshirow Oo Kasoo Muuqdey Golaha Wasiirada Cusub (Sawiro)

Iyadoo goordhow lagu dhawaaqey Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya ayaa qof walba oo Soomaali ah waxa uu ka wardhowrayey Siyaasiyiinta uga soo dhex muuqan doona Liiskan, waxaana si aad ah looga wardhowrayey Magacaabista.

Beesha Biimaal oo sanadihii lasoo dhaafey Nasiibkeedu dhigey inay hesho hal Wasaarad iyo hal ku xigeen ayaa dhinaca kale waxa jiri jirey in Liiska ay kusoo baxaan shakhsiyaad aan dhaafi karin hamigooda halkii laga sugaayey waxqabad la taaban karo.

Liiska cusub ee maanta lagu dhawaaqey ayaa waxa kasoo dhex muuqdey Laba shakhsi oo aan isleenahay waxay in badan wax ka bedel karaan hanaankii in mudda ah ay kusoo dhaqmayeen Wasiiradii xilalka ugu horeysay ee Beesha Biimaal magaceeda xilka ku heli jrey.

Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xasan (Shariifka)

Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo Xildhibaanada Baarlamaanka kasoo galey magaalada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose ayaa waxa loo magacaabay Wasiirka Xanaanda Xoolaha ee Xukuumadd Cusub.

Wasiir Sheekh Nuur oo lagu sheego inuu ku cusub yahay siyaasadda ayaa ah Nin dhalin yara ah oo aqoon iyo caqliba u saaxiib ah sida ay sheegayaan dadka yaqaana, waxaana lagu tiriyaa sidoo kale danqasho iyo u dhega nuglaasho dadka waxgalka ah ee Talada siiya.

Weli lama haayo xil uu soo qabtey ee uu kasoo dhalaaley hase ahaatee qiimeynta shakhsiyadeed ee Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa tilmaameysa in xilkan uu kasoo dhalaali karo hadii aanay majaraha qaban koox sharwadaayaal oo ah isku gadaama Siyaasiyiinta waxqabadka doonaya ee Beesha Biimaal u dhashay.

Sidoo kale waxa Liiska Golaha Wasiirada kasoo muuqdey Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow (Awyare) oo Baarlamaanka Golaha Shacabka kasoo galay Magaalada Marka, waxaana lagu soo doortey magaalada Bayadhbo ee xarunta Gobolka Baay.

Wasiir ku xigeen Cabdulaahi Awyare

Cabdulaahi Awyare ayaa waxa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka, waana shakhigii labaad ee mudnaa in Besha Biimaal uu ku matalo Golaha Wasiirada marka laga yimaado Xildhibaan Sheekh Nuur.

Cabdulaahi Awyare oo afartii sano ee lasoo dhaafey ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ayaana laga hordhici karin shaqada uu la imaan karo, waxaana dadka qaarkii ay u saadaalinayeen in uu xil ka qabto Golaha Wsiiada, waxaana lagu tuhunsanaa wax xoogaa karti ah iyo dhalinyarada nimadiisa oo wax badan laga faa’iidi karo.

Bahda Markacdey.com ayaa waxay hambalyo u dirayaan Wasiirada dhaliyada ah ee sida muuqata uga guuleystey xil ma gooyayaal badan oo horey usoo fashilmay, waxaana Bahda Markacadey.com ay u rajeeneysaa Wasiirada kala ah Sheekh Nuur iyo Cabdulaahi Awyare horumar iyo shaqa la taaban karo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE