Muqdisho oo la ciir-ciiraysa fara-badnaanta dawladda Farmaajo!! W/Q.Khadar Aar

​Farmaajo iyo Ra’isal-wasaarahiisa siyaasada ka cusub ee Khayre ,waxa ay bulshada Somaliyeed wakhti badan ka dhaadhicinayeen in ay soo dhisi doonaan Xukuumad tayo leh balse aan tiro badnayn,hadase waxaa muu qatay in ay fagaaraha la shir yimadeen ,Xukuumad tiro badan balse tayadooda la eegi-doono.

Marka la isu geeyo sadaxda gole ee ay ka kooban tahay dawlada Somaaliya ee uu Farmaajo Madaxwaynaha ka yahay ,ayaa waxa aad moodaa in ay muuqanayso mid uu culays kaga iman karo dhinaca dhaqaalaha ama mushahaarkooda; madamaa Abniga magalada Muqdisho uu yahay mid dhibatadiisa iska leh dhaqalaha ugu badana uu madaxda kaga baxo abniga iyo ilaaladooda gaarka ah.

Dawlada Somaliya ee xiligan ayaa waxa ay ka kooban tahay sadax gole oo kala ah:-

Golaha Xukumada oo ka kooban 70 qof .

Golaha Baarlamaanka ee aqalka hoose oo ka kooban 275 xildhibaan .

Golaha Aqalka sare oo ka kooban 54 xildhibaan.

Sadax daasi gole hadii la isu geeyo waxa ay noqonayaan tiro ahaan 399 Qof,waa marka aan lagu darin hawl-wadeenada kale ee ku jira dawlada sida agasimahayaasha iwm ,taasina waxa ay ku tisinaysaa in ay adkaankarto in ay dawladu kafayso bahiyihii looga baahnaa ee dhinaca dhaqalaha.

Dadkaasi ka kooban 399 Qof marka laga reebo Madaxwaynaha iyo Raysal-wasaraha ,waxaa suura gal ah in midkastaaba uu hoy iyo guri ka dhigto Hotelada sida aadka ah loo ilaaliyo (waardiyeeyo) kuwaasi oo dhamantood ay qaali tahay Jiifka iyo cuntoyinkoodu,madamaa ay yihiin goobta kaliya ee ay ku nabad gali karaan madaxda dawladu,inkastoo marar badan lagu waxyeeleeyo.

Bal aynu qiimayn u dhaw sida saxa ah ku samyno dawladaasi Farmaajo ee ka kooban sadaxdaasi gole ee aynu kor kusoo sheegnay tiradooda ,waxa kaloo iyana aynu guda gali doonaa waxna iska waydiin doonaa sida dhamaantood loogu heli karo dhaqaale kafeeya.

Iyada oo ay magalada Muqdisho markasta ay ka dhacaan cabashooyin iyo mudaharaado lagaga cabanaayo mushahaar la’aanta haysata shaqalaha dawlada gaar ahaana ciidanka Milatariga iyo Booliska,ayaa hadana waxa aad muudaa in ay culays dheeraada soo kor-dhion doonaan xukuumad iyo golayaasha aad u farabadan,taasi oo i xasuusisay halku-dhigii Somaliyeed ee ahaa “anoo aabahay u taagla ayaa aabahayna abihii keenay.

Muran kama jiro in dawlada Farmaajo ay horyaalaan culaysyo markasta ka badan kuwii haystay dawladii isaga ka horaysay,sababta oo ah waxa ay wasiiradiisu ka kooban yihiin kuwo aad u badan iyo golaha Aqalka sare oo kusoo biiray siyasada Somaliya,taasi waxa ay keeni kartaa in madaxwayne Farmaajo iyo Raysal-wasarahiisa ay u yalaan sidii aanay u dayacmi lahayn 399 qof oo dawlada gadhwadeenka ka ah taasi oo hadii ay dhacdo ku keeni karta dhabar jab aad u wayn.

Muqdisho dhaqalaha soo galaa waa mid aad isaga kooban,Muqdisho waxa ay dhaqalaha ka heshaa waa laba meelood oo kaliya kuwaasi oo kala ah ,Canshuurta yar ee ay ka qadato Madaarka iyo Dekeda,waxa soo racaa canshuuro aan wali sidaa u saldhigin oo laga ururiyo Muqdisho gudaheeda sida tan dawladaha Hoose.

Madaarka Muqdisho ee Adan Cadde iyo Dekada waxaa gacanta ku haya oo maamula shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, sida shirkada gacanta ku haysa Dekeda oo layidhaa Al-beyrak taasi oo qaadata dhaqalaha Dekeda kasoo baxa 45% ,halka Madaarkana ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay isla Turkiga oo layidha Fafori taasi oo iyada lafteedu dhaqalaha soo gala madarka qaadata qayb la mid ah tan Dekeda.

Muqdisho waxa kale oo ay wax kasoo galaan waxoogaaga cawimada ah ee ay kusoo hesho magaca dawlada Somaliya ,kuwaasi oo kasoo gaadha wadamada Aduunka qaar ka mida,balse dhaqalahaasi waxa uu yahay mid aan Muqdisho oo kaliya aan ku koobnayn ayse la qaybsadaan maamul goboleedyada ku abtirsada dawlada Somaliya.

Hadiiba ay Muqdisho ay tahay magaalo xalkeedu uu sidaasi u yaallo ,intee inleeg ayay kafaynkartaa ayaa la iswaydiinayaa ,mase tahay mid ku fillaan karta dawladan tiradeedu aadka u badan tahay,taasi oo ay u dheer tahay abni-darrada ay inta badan ku hayaan Al-Shabab oo ay weheliyaan xoogag aan la garanayn oo Muqdisho lafteeda ku loolama.

Qofka bini-aadmiga ahi hadii uu hayusto nabadgalyo iyo abni waxaa hubaala waxa uu ku noolaan karaa kuna filaan kara waxkasta oo la siiyo,balse hadii qofka madaxda ahi uu yahay mid maalinkasta,saacadkasta iyo daqiiqadkasta ka fikiraaya sidii uu naftiisa u badbaadin lahaa,waxaa ku adkanaysa in uu qaado masuliyad ka badan tan naftiisa,waana mida keentay in dhaqalaha ugu badani uu muqdisho ku baxo abniga madaxda dawlada.

Golaha baarlamanka hoose.

Golaha baarlamaanka aqalka hoose waxa uu ka kooban yahay tiraba 275 mudane,inta aan ka warhayo taariikhdu markii ay ahayd 2012 waxa uu mushahaarka xildhibanku ahaa 2740 Dolar,iyada oo isla sanadkaasi wixii ka danbeeyay baarlamaanku uu codsaday in mushahaarka ay iminka qataan looga dhigo 3600 Dolar.

Marka loo eego culayska saaran ninka xildhibaanka iyo wasiirada ee dhinaca abniga ,waxa markaba kusoo baxaysa in aanay lacagtasi ku filanayn , sixirbararka ka jira wadanka iyo gaar ahaana Muqdisho oo ah meel aad abnigaaga uu kuu hayo hadba inta ad shilin haysato,ayaa waxa ay sababaysaa in aad dhaqale kugu filan aad hesho.

Golaha sare ee wakhtigan la sameeyay.

Golaha sare waxa uu ka kooban yahay 54 Xildhibaan,waxa ay u badan yihiin dad odayaal ah ,walow ay ku jiraan dhalinyaro,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ka fursan mayso in uu golahaasi sare uu helo mushaar aan ka yarayn kan ay qataan baarlamaanka hoose ama ka badan; waxa kaloo intaasi dheer lacagaha dheeradka ah ee ay ku qaadan karaan Mooshinada iyo Gonooyinka aan xadka lahayn.

Golaha wasiirada ama xukuumada.

Wasiirada ama golaha xukuumada,oo sida aan kor kusoo sheegnay ka kooban tira ahaan iminka 70 Qof,ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo u baahan dhaqaale ay noloshooda ku mareeyaan,taasina waxa ay ku iman kartaa in ay sameeyaan dadaal dheeraada oo dalka dhaqaale loogu raadinaayo.

Inkastoo aan looga baran sida baarlamanada in golaha wasiiradu ay lacag la’aan bilaha qaar ku dhacaan, ay yihiina kuwo inta badan dhaqalahooda ku tiirsan yahay xaqul-qalinka hoose ee ay dadwaynaha ka helaan sax iyo khaladba iyo hayadaha caalamiga ah ,ayaan hadana marnaba ka maarmi karayn mushahaarada ay xaqa u leeyihiin.

Mushahaarka iyo dhaqalaha uu bishii qadanayo ninka wasiirka ahi,waxa ay ila tahay in ay ka badan doontan tan xildhibaanka,taasina waxa ay keeni kartaa in markasta laga fikiro in mushaar wax ku oola oo la isku halayn karo loo helo dawladan cusub.

Qiyaastaydii mala-awaalka ahayd, balse aan isleeyahay saxa ayay u dhawdahay,ayaan waxa aan ku qiimeeyay dhaqalaha ku baxaaya oo kaliya sadaxda gole ee kala ah xukumada oo ah wasiirada iyo labada golo baarlamaan, lacag qadarkeedu dhan yahay sanadkii 14364000 doolar.Afar iyo toban malyan sadax boqol afar iyo lixdan kun oo dolar. ,waana mushahaarka aan isleeyahay xaqa ayay u yeelanayaan.

Sadaxdaasi gole oo kaliya markii aan midkasta is wadiiyay mushahaarka oo qaadan karo ,waxaa khasab isugu wajibiyeen bishii in halkii qofba uu qaato mushahaar dhan 3000 dolar ,waana marka aynu ka duulayno mushahaarka xildhibaanka oo kaliya.

Golaha barlamaanka hoose oo ka kooban 275 hadii halkii xildhibaanba uu bishii qaato 3000 dolar,waxa ay sanadkii noqonaysaa halkii xildhibaanba in la siiy lacag qadarkeedu dhan yahay 36000 dolar. taas awdeed ayaa 275 xildhibaan waxa ay sanadkii qadanayaan 9.900,000 dolar.

Golaha aqalka sare oo isagu ah mid ku cusub Muqdisho ayaa waxa uu ka kooban yahay 54 xildhibaan,ilama aha in ay ka badsadaan mooyaane in ay lacagta ka yaray sanayaan Baarlamaanka hoose ,taas awdeed hadaad midkiiba aad siiso lacag dhan 3000 dolar Bishii waxa ay noqonaysaa Total halkii xildhibaan 162000 dolar isu gan 54 xildhibaan waxa ay sanadkii qadanayaan lacag dhan 1944000 dollar.

Golaha wasiirada oo ah kuwo aad uga badan intii dawlada laga sugaayay,ayaa waxa ay dhan tahay tiradoodu 70 marka lagu daro madaxwaynaha iyo Raysal-wasaaraha,hadii aynu iyagana qiyaas macquula ku samayno adiga ma kula tahay in uu ka lacag hoosaynaayo Xildhibaanka aanay meelkae wax kasoo galin,ninkasta oo wasiir ah ilaa madaxwaynaha bal u qoondee lacag dhan Bishii 3000 Dolar isku dhufo 70×3000=210,000 dolar sanadkii waxa ay noqonaysaa 2,520,000 dolar,dhamaan lacag sadaxda gole waxa ay noqonaysaa isu gayn 14364000 dolar.

Lacagtan aynu qoondaynay ,waxa ay ku eeg tahay oo kaliya sadaxda gole ee aynu kor kusoo sheegnay ,intaasi waxaa dheeraan kara lacagtii safaradaa dibada iyo dhamaan hawl-wadeenadii kale oo dawlada ,oo ay u dheertahay gadiidka iyo babuurta ay u baahan yihiin.

Hadii ay ahaan lahayad , dawlad taabba-gal ah oo shaqaynaysa ,una wada dhan yihiin hay’adaheedii dawliga ahaa, intan aynu soo sheegnay iyo wax ka badan oo dhaqaale ahba waa ay heli lahayd, balse mushkilada ugu wayni waxa ay tahay,waa dawlad Maamul ahaan iyo awood ahaanba wali aan ku filaanin in ay abnigeeda ka adkaato,awoodeeduna aanay dhinacna u dhafsanayn magalada Muqdisho.

Waxa inagu kalifay in aynu sadaxda gole qiimayn ku samayno mushaarkooda iyo dhaqalaha ay u baahan yihiin ayaa waxa ay tahay,mid loo baahnaa in markii hore laga fikiro,iyada oo lagu xisaab tamaayo hantida dhaqaale ee dalku leeyahay ama ay heli karayso.

Bal waxa aynu eegi doonaa xukumadani halka ay saldhigato iyo meesha ay wax gaadhsiiso,inkastoo hadaba aynu arkayno qaababka iyo astaanka kasoo muuqmuuqadaa in ay tahay mid culays fara badani uu ku iman doono.

Xusuusta aan maskaxdayda ka bixin iyo hadalkii madaxwaynaha isaga oo la hadlaaya xukumadii ka horaysay ee Xasan sheekh waxa uu yidhi:-

Ma moogi dawladu in ay dagaal ku jirto,waxa weeye dagaalku waxa uu ka socdaa hal dhinac,waa shabaab oo halkay doonaan weerara halkay doonaana qabsada,dawladuna waxa ay ka adag tahay uun tacsida iyo canbaaraynta.

Balse madaxwayne farmaajo,isaga oo aan wakhti badanba aan joogin ma ka baaqsaday Tacsidii iyo canbarayntii uu ku eedaynaayay madaxwaynahii isaga ka horeeyay, iyada oo ay sidaasi tahay ayaa hadana waxa la odhan karaa hadii wakhtiga yar ee uu joogay la qiimeeyo dhibaatada dhacday inta ay leeg tahay .

Sheekooyinak qosolka badan ee Madaxwayne Farmaajo laga hayo waxaa ka mida,Hal Milyan oo Doolar waa in bishii meel loo dhigo si loo siiyo halkii qof ee qaraxyada shabaab soo sheega lacag dhan Boqol kun oo Doolar, iyada oo dibadana loo qaadi doono hadii uu u baahdo.

Waxaa taasi kaba sii daran iyada oo uu madaxwaynahu isaga oo aan cidna kala tashan uu kaligii iskaga dhawaaqay kaanbaynkana uu ku galay ,in uu masuuliyadooda uu qaadaayo dhisma kasta oo ay Shabaab qarxiyaan, isaguna uu dib u dhisaayo isaga oo dhisma kasta kusoo celinaaya sidii uu ahaa ama ka fiican.

Waxkastaa marka afka laga sheegaayo aad ayay u hawl yar yihiin, balse marka la is-yidhaado ficil u badala ayay soo baxdaa xaqiiqda dhabta ahi,madaxwaynaha haday hortaalaa,in uu dhamaantood dhiso wakhtigii yaraa ee uu joogay Hoteladii iyo qaraxyadii lagu sameeyay Muqdisho.

Shaqo kasta oo aad dibada ka joogtaa waxa ay kuula muuqataa in ay tahay mid fudud,balse marka aad guda gasho ayaa waxa kuu muuqanaaya galdaloolada iyo ceebaha ay leedahay,taas awadeed ayaa waxa aad kaloo aad arkaysaa itaalkaaga iyo inta aad taag leedahay .

Qofkasta oo daawanaaya ciyaar kubadeed,waxaa laga yabaa in uu markasta qaladka iyo ciyaar xumidu ay u muuqato,sababta oo ah waxa uu labadiisa indhood ku hayaa dhamaan kooxaha ciyaaraaya iyo qofkastaaba ciyaarta uu soo bandhigay caynka ay tahay ; waana mida u sahlaysa in khaladkasta oo cayaar-tow ka dhaca in uu sheegi karo , hadiise uu isagu qayb ka noqon lahaa cayaar taasi,indhahiisu waxa ay qaban lahayeen oo kaliya Kubada uu markaasi caydhsanaayo iyo hadba ninka tartanka kula jira daqiiqadaasi .

Madaxwayne Farmaajo iyo dawladiisa waa ay ku adkaan kartaa in ay dhisme kasta oo Shabaab iyo qayrkood ay qarxiyaan in ay dhisaan ama ay lacag ku bixiyaan,waxa kaloo ay ku keeni kartaa khatar dhinac kale ah ,taasi oo ka imaan karta in goobkasta uu Muqdisho la qarxiyo dib u dhiskeeda la waydiisto dawlada.

Arin-tani madamaa madaxwaynahu uu ku dhawaaqay,hadalkisii iyo balan qaadkiisiina laga wada helaayo goobaha Youtobe-yada ,ay adag tahayna in uu ka noqdaa,waxa ay ku keeni kartaa qoomamo dhinaca siyaasada ah ,waana mid looga fadhiyo in uu dhiso goobkasta khaasatan Hotelada gaboodka u ah Madaxda dawlada.

Dhibatooyinka kale ee iyaguduna dawlada caqab ku noqon doona sanadaha u horeeya waxaa ka mida,Raysal-wasaaraha oo ah nin aan dhinaca siyasada aan wax khibrada u lahayn iyo wasiirada badan kooda oo iyaguna u badan niman hada uun Suudhadhka soo toshay.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran