Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan Gaar Ah La Qaatey Boqor Cabdalaha Labaad Ee Dalka Jordan (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shirmadaxeedka Jaamacadda Carabta ee dalka Jordan ayaa kulan gaar ah la qaatey Boqor Cabdalaha Labaad ee dalkaasi.

Kulanka oo ka dhacey qasriga Madaxtooda ee ku yaalla maaalada Camaan ayaa labada Mas’uul waxay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labad dal iyo ka shaqeynta iskaashiga dhan walba ku dhisan oo dhex mara wadamada Soomaaliya iyo Jordan.

Mudane Farmaajo ayaa Boqorka dalka Joran ka codsadey taageeridda Dowlada curdanka ah ee Soomaaliya ka hana qaadey iyo taageero siinta dadka ay abaarta ku dhacdey ee Soomaaliya ku dhaqan.

Madaxdweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar ah dalka Jordan kula leh Madax ka kala socota qaar kamid ah wadamada Beesha Caalamka oo fursado u helay inay kulamo looga arinsanaayo saaxiibtimada Soomaaliya la qaataan Madaxweynaha Jamruuriyadda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE