Agaasimhii Habmaamuuska Madaxtooyada Oo Loo Magacaabay Safiir Ku Xigeenka Saaradda Dalka Kenya

Cabdiraxmaan Aadan Cusmaan Kambaala oo ahaa Agaasimhii hore ee habmaamuuska Madaxtooyada iyo kaaliyihii gaarka ahaa ee Xasan Sheekh ayaa waxa loo magacaabay Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda .

Jagadan safriir ku xigeenka ee  loo magacaabay Cabdiraxmaan Kambaala ayaa waxa horey ugu magacaawnaa Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka mid noqdey Golaha aqalka Sare ee dowlada Soomaaliya.

Magacaabista Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahaya dalka Kenya ayaa sida wararku tilmaamayaan waxay hor dhac u tahay isbedel ballaaran oo lagu sameenayo Madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda.

Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Jamaal Maxamed Hassan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda Cusub.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran