Gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe Oo Si Kulul Uga Hadlay Sheekada Ku Saabsan Midnimada Soomaali Weyn (Video)

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Somaliland ee Ucid Eng Feysal Cali Waraabe oo maanta dib ugu soo laabtey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arimaha ay ka midka yihiin wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo, iyo hadal dhawaan kasoo baxay Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Faysal Waraabe ayaa ayaa marka hore ka sheekeeyey safarkiisa oo ku dhawaad laba bilood uu ku maraayey wadamo dhowr ah oo ku yaalla caalamka, dhinac kale waxa uu si kulul Weerar ugu Qaaday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay inuu Midnimada ku Qancin doono Somaliland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE