Qarax Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Goob Mashquul Badan Oo Ku Taalla Waqooyiga Dalka Bakistaan (Sawiro)

Qarax uu fuliyey ruux Naftii Halliga ah ayaa waxa uu ka dhacay Goob mashquul badan oo ku taalla magaalada Parachinar meel ku dhow xadka dalka Bakistaan uu la wadaago Afgaanistaan.

Goobtan la sheegayo in uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ku dhow Masaajid ay leeyihiin dadka shiicada gaar ahaan dumarka, waxaana halkaas ka dhow Suuq mashoquul badan oo ay dadka usoo dukaameysi tagaan.

Inta la ogyahay 20 ruux ayaa ku geeriyoodey qaraxa halka ku dhawaad 60 kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah oo la dhigay Isbitaalada iyo goobaha Caafimaad ee ku yaalla magaalada Parachinar.

Magaalada uu ka dhacay qaraxa ayaa Xarun Goboleed u ah Gobolka ku yaala xadka Afgaanistaan ee Kurram, waxaana halkaas gacanta ku haaya kooxo qabaa’il ah oo hubeysan, iyadoo laga cabsi qabo in ay kordhaan khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Ra’iisalwasaaraha dalka Bakistaan Nawaaz Shariif ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka khasaaraha badan dhaliyey, waxaana mar kale uu ku celiyey hadlkiisii ahaa in dalka Bakistaan uu si adag ula dagaalami doono kooxaha argagaxisada ah ee baneystey dhiigga dadka shacabka ah.

Weli ma jirto koox ama Uru sheegtey mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaa waxa la tuhunsanyahay inay ka dambeeyaan kooxaha hubeysan ee ka dagaalama xadka labada wadan Bakistaan iyo Afgaanistaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran