Xiisad U Dhaxeysa Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Itoobiya Oo Caawa Ka Taagan Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Caawa halkaas ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwo Itoobiya.

Xiisadan ayaa sida wararku ay sheegayaan timid ka dib markii Ciidamada Itoobiya lagu eedeeyey wadashaqeyn la’aan iyo cadaadis dhinacyo badan leh oo ay ku haayan dadka shacabka ah, taasna ay keentey in Ciidamada Dowlada ay qaadaan tallaabo ka careysiisey Ciidamada Itoobiyaanka ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada oo Baardheere ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan khilaafaad xoogan oo dhankooda uu kala dhaxeeyo Sarkaalka xukumada Ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan wuxuuna ku eedeeyey in uu isticmaalo awood dheeraad ah oo ka baxsan tan Ciidamada Saaxiibada la ah dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale Sarkaalka oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Cali ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay is hortaag ku sameeyaan howlgallada gaarka ah ee ay ka fuliyaan deeganada hoos yimaada magaalada Baardheere, waxaana uu ku goodiyey in ay qaadayaan talloobooyinka ay ku miiujinayaan diidmada Amarada Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee gacanta ee ka dagaalama qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxa lagu eedeeyaa adeegsiga awoodo xad dhaaf ah iyo wadasheyn la’aanta Ciidamada Soomaalida ee kula sugan dhulka ay ka qabsadaan Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran