Dhageyso Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya “Waxa Maanta Bilowdey La Dagaalanka Musuqmaasuqa”

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay Munaasabad xilka ay isugu wraeejinayeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo Wasiirka Cusub ayaa ka hadlay la dagaalanka Musuqmaasuqa dalka.

Mudane Kheyre ayaa Wasiirka Cusub ee Maaliyadda ku booriyey la dagaalanka Musuqmaasuqa islamarkaana laga rabo in uu la socdo wixii ka maqnaada Wasaaraddiisa, lagulana xisaabtami doono Wasaaradda Maaliyadda wixii soo gala ee wixii ka baxa.

Ra’iisalwasaaraha ayaa dhinaca kale tilmaamay hadii uu jiro Musuqmaasuq in dalka aanay nolol iyo horumar ka jirin, waxaana uu la dardaarmey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda uu ku sheegay inay sal u tahay la dagaalanka musuqa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE